Xukuumada uu khalkhalku hadheeyay ee wayaanaha ayaa dadaal dheer ugu jirta sidii ay wakhtiga usii dheeraysan lahayd si ay dadwaynaha ugu sii hayaan iqaabta isla markaana uga badbaadan la xisaabtan dhab ah oo lalayeesho.

Sida xog rasmi ah aan kuhelay taliska wayaanaha ayaa heshiis la sixiixday kambani laga leeyahay wadanka Poland oo ah kuwa kushaqaysta xaditaanka macluumaadka dhinaca Internet ka si ay xogo dheeraad ah uhelaan isla markaana wax isu daba mariyaan.

Kambanigan oo lagu magacaabo ASSECO ayaa lagu wadaa in ay wada shaqayn doonaan hay’ada lagu magacaabo The Information Network Scurity Agency (INSA) oo ay leeyihiin wayaanuhu taas oo dhinaca sirdoonka kashaqaysa, waxayna wayaanuhu kuhan wayn yihiin in ay helaan xogo dheeraad ah.

Iyadoo xukuumada wayaanuhu ay kujirto xili kala guur ah ayaa la arkayaa taliska wayaanaha oo isku dayaya in uu xal waara uhelo dhibaatada siyaasadeed ee mudada dheer uu talisku ladaalaa dhacayo taas oo hada gaadhay meel ay adagtahay in laxakameeyo, balse iskudayadan ayaa lagu macneeyay habar dhaliwayday aleelo kuwaalatay.

Sidaan horaan idiinku sheegnay kooxda jaahwareersan ee wayaanaha ayaa horay ula heshiisay kambani laga leeyahay wadanka Talyaniga kaas oo ay kula heshiiyeen in uu usoo xado siraha kumbiyuutarada ku jira, hase yeeshee iskudaygan oo wayaanuhu ay kubixiyeen malaayiin doller ayaa fashil kudhamaaday.

Sikastaba ha ahaatee taliska wayaanaha ayaa lagu soo waramayaa in ay malaayiin lacag ah kubixinayaan heshiiskan ay lagaleen Company ga laga leeyahay wadanka Poland ee ASSECO.

Dadka arimaha siyaasada ka faalooda ayaa ilaa hada isqabadsiin la abaaraha iyo macaluusha kajirta wadanka Itoobiya iyo sida ay xukuumada wayaanuhu ugu fataalayso lacagaha .

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay