Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in ay aad usii xoogaysatay colaadii ka aloosnayd xuduuda udhaxaysa wadanka Ogadenia iyo Oromia, colaadan oo kusoo aaday xili abaaro ba’an ay wadanka kajiraan ayaa lasheegayaa in ay gaadhay dhul baaxadiisu ay aad ubadan tahay.

Sida warku nagu soogaadhayo dagaaladan ayaa galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah oo kudhaqnaa xuduuda u dhaxaysa Ogadenia iyo Oromia waxayna dhimashadu gaadhay boqolaal halka dhaawucuna uu deegaanadaas kanoqday iska caadi.

Colaadan oo ay dabada kariixaysay xukuumada wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay ciidanka mulatariga wayaanuhu taageero toos ah iyo mid dadbanba siinayaan maleeshiyada Oromada.

Deegaanada hoosyimaada Salaxaad, Lagahida iyo Muluqaamayu ayaa ah kuwa ugu daran ee dagaaladu ay kasocdaan waxaana lasheegayaa in maleeshiyada Oromadu ay laysay dad shacab ah oo udhashay Ogadenia, sidoo kale maleeshiyada Hawaarinta ee dhinaca Ogadenia kaduulaan tagaysa ayaa xasuuqay shacab badan oo ree Oromia ah.

Dagaaladan ayaa lasheegayaa in ay kasocdaan inta udhaxaysa xuduuda ay labada wadan ee Ogadenia iyo Oromia laleeyihiin wadanka Kenya iyo Dagmada Baabili ee galbeedka Ogadenia.

Sikastaba ha ahaatee colaadaha kaashanaya abaaraha iyo cudurada ee xuduuda Ogadenia iyo Oromia ayaa hada maraya meeshii ugu xumayd inta laxasuusto waxaana dagaaladan ka faa’iidaystay xukuumada Wayaanaha.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay