Ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Puntland ayaa maanta Xanibaad ku soo rogay xarunta Barlamaanka Puntland ee Garoowe xili uu cidlo ahaa oo aysan ka socon wax kalfadhi ah, oo inta badan xildhibaanadu ay ka maqnaayeen marka laga reebo shaqaalihii barlamaanka oo goor dambe laga saaray.

Ciidamadan oo watay baabuurta gaashaaman, kuna hubaysnaa hub culus ayaa xanibay jidka dheer ee Laamiga ee  hore mara barlamaanka, iyagoo joojiyay isu socodkii baabuurta iyo dhaqdhaqaaqii wadada ugu muhiimsan caasimadda Puntland ee Garoowe

Ciidamadan  oo aan la hadlin warbaahinta, islamarkaana aan la faahfaahin guutadada ay ka tirsan yihiin iyo masuuliyiinta xukunta  ayaa warar ku dhow waxay sheegayaan inay ka cabanayaan mushahar la’aan iyo xuquuqo kale oo uga maqan dowladda Puntland.

Ma Cadda in qabsashada ciidamada ee xarunta barlamaanku ay tahay fariin loo dirayo xildhibaanada Barlamaanka oo ah in culays lagu saaro in ay talaabo ka qaataan xaaladda wadanka ka taagan, sababta loo bartilmaameedsaday xaruntoodii kaliya oo aysan ciidamadu u qabsan bangiga iyo Wasaaradda maaliyada oo dhinac ku haya xarunta Barlamaanka ee Garoowe.

Warar kale ayaa sheegayaa in qabsashada barlamaanku ay la xiriirto howlgal ay dowladu soo abaabushay oo lagaga hortegayay xildhibaano gadoodsan oo ku sugnaa xarunta barlamaanka ee Garoowe kuwasoo diyaarinayay kacdoon lagu ridayo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Arrintan waxay ku soo aadaysa maalin ka hor markii Wasiirkii hore ee Maaliyadda maamulka goboleedka Puntland Faarax Cali Shire oo ka hadlay warbaahinta uu eedaymo culus u soo jeediyay maamulka madaxweyne Gaas, islamarkaana uu ku tilmaamay xaalada Puntland mid burbur ah. Wasiirka ayaa muddo 5 sanno wuxuu ahaa wasiirkii maaliyada ee xukuumadda Faroole, waxayna shacabka qaarkiis ku tiriyaan inuu ka mid ahaa masuuliyiintii boobay hantida qaranka Puntland mudadii ay xilka hayeen.

Gabagabadii, Ilaa iyo hadda ma jirto xildhibaano ka tirsan gollaha Wakiiladda oo ka hadlay dhacdada, sidoo kale ciidamada  ayaa ka hadlin sababta ay u qabsadeen, mana jirto war-murtiyeed ay dowladda ka soo saartay qabsashadii barlamaanka ee Maanta.

Xigasho. Horseed media

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay