Maanta oo ah Maalina Axad ah taariikh duna ay ku beegan tahay 26/02/2017 ayaa waxay jaaliyada Somalida Ogadeeniya ee dalka Finland xustay Maalinta Xasuuqa Ogaadeeniya.

Shirka ayaa waxaa lagu furay aayado Quraanka Kariimka ah sida caadada inoo ahaan jirtayba intaas kadibna waxaa lagu soo dhaweeyay Gudoomiyaha Jaaliyada Ogadeniya ee wadanka Finland wuxuu ka jeediyay Kawarbixn ka waramaysa Xasuuq yadii kala duwanaa ee Kadhacay Ogaadeeniya bishan aan ku jiro oo kale 1994 tii.

Waxaa intaas kadib  lagu sodhaweeyey makarafoonka Mudane Xildhibaan Badal Ahmed Hassan oo ah xubin katirsan golaha dhexe ee JWXO  xildhibaanka ayaa wuxuu ku dheeraaday xaalada Gumaysiga Itoobiya iyo wax yaa lihii uu usoo joogay waxaana xil dhibaanka la waydiiyay Su’aalo ay Xubnuhu qabeen waxaana jawaab waafi ka bixiyay xildhibaan Badal Axmed su’aalaha ayaa waxaa ku qancay dhamaan xubnihii kasoo qayb galay su’aalaha ayaa ku aadanaa xasuuqii ay bishan oo kale 1994 tii ciidanka wayaanahu ka gaysteen dhulka Ogadeniya.

Shirka ayaa intaas kadib waxa uu kusoo dhamaaday si guul ah.

ONA/Finland

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay