Waxaa shir khadka Taleefanka ah isugu yimaaday ururka haweenka Ogadeniya ee UHO shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay gudiga fulinta ee ururka haweenka Ogadeniya waxaa kale oo kasoo qayb galay gudiga qaaradaha Aduunka sida Yurub America Afrika iyo Australia waxaana shirkan looga hadlaayay shirwaynihii ururka haween aduunka oo dhawaan la qaban doono kasoo Lagu dooran doono gudoomiye iyo maamul cusub hadii alle yidhaahdo waxaana laga wad laayay wakhtigii iyo goobtii lagu qaban lahaa shirwaynaha ururka haweenka Ogadeniya.

Shirka ayaa waxaa furay gudoomiyaha ururka haweenka Ogadeniya UHO halganto Marwo Fardawsa Cabdulaahi Mukhtaar waxayna ka jeedisay hadalo qiiro xambaarsan kuwaas oo ay diirada ku saartay bishan aan ku jiro oo ah bil shacabka Ogadeniya u ah bil murugo taasoo gumaysigu ku xasuuqay dad badan bishan oo kale 1994 tii waxay na kula dar daarantay dhamaan ururka haweenka inay xasuus naadaan xasuuqii gumaysiga ayna garab istaagaan shacabka Ogadeniya ee wali dhibaatada ku jira.

Waxaa kale oo shirka Lagaga hadlaayay in ururka haweenka Ogadeniya ay kasoo dhalaalaan kaalintii ay halganka Ogadeniya ku lahaayeen si loosoo dadajiyo xoriyadii Ogadeniya.

Shirka ayaa wuxuu kusoo dhamaaday si guula waxaana lagu balamay kulan labaad in la  isugu soo noqondo hadii alle yiraahdo.

Hogaanka Warfaafinta Ee UHO Marwo Kawsar Ismaaciil.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay