Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in kooxda TPLF ay kudhaqaaqday talaabo mustaqbalka kooxda wax wayn udhimi doonta soona dadajin doonta cimriga kooxda TPLF.

Sida xogta aan kuhelay kooxda TPLF ayaa go’aan satay in ay shaqada ka eryaan dhamaan dadka kasoo jeeda qoomiyadaha kale gaar ahaan qoomiyada Oromada oo uu loolan siyaasadeed oo adag uu kadhaxeeyo wakhti xaadirkan.

Talaabadan ay kooxdu qaaday oo ayna mahadinin ayaa lasheegayaa in ay shaqadii kaga eryeen inkabadan 4650 shaqaale ah oo katirsanaa xisbiga sheegta in uu matalo shacabka Oromada ee OPDO kaas oo bahwadaag la ah xisbiga magac uyaalka ah ee EPRDF, shaqaalahan oo dhamaan udhashay qoomiyada Oromada ee ugu badan qoomiyadaha wadanka ayaa lasheegayaa in ay hayeen shaqooyin kala duwan oo guud ahaan wadanka ay kahayeen.

Dhinaca kale shaqaalaha sida sharci darada ah loo caydhiyay ayaa durba qaaday talaabo jawaab u ah shaqo ka eryidooda waxayna durba kubiireen jabhadaha hubaysan ee wadanka kajira iyo waliba beelaha geesta uhubaysan ee doonaya in ay ridaan taliska aan cadaalada lahayn ee wayaanaha.

Kooxda TPLF oo kuhowlan sidii ay dad hor leh shaqadoodii uga eryi lahaayeen ayaa marqudh ah niyad jabtay kadib markay ogaadeen in ay dhalintii ay eryeen ugaleen jabhadaha hubaysan si ay meesha uga saaraan nidaamkan aan cadaalada lahayn.

Sikastaba ha ahaatee kooxda siyaasada kusaaqiday ee TPLF ayaa si qabyaaladaysan oo iska cad ula dhaqanta qoomiyadaha ay gumaysato gaar ahaa Soomaalida, Oromada iyo Xabashida waxayna aaminnsan yihiin in ay koomiyadahaasu karkaarka waydaarin doonaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay