War goordhaw nasoo gaadhay ayaa sheegaya in koox uu taliska wayaanuhu soodiray ay shirar joogta ah kula jiraan ardayda wax kadhigata jaamaca Haramanyo iyo jaamacado kale oo kuyaalada meelo kamid ah wadanka.

Shirarka iyo xafladaha loosamaynayo ardayda oo todobaadkanba socday ayaa lasheegayaa in ay kooxda TPLF tu uga gol leedahay sidii taageero buuxda looga heli lahaa ardayda si kooxdu ay uhesho wakhti ay talada wadanka kusii hayn karto.

Talika wayaanaha oo aad ugu jaahwareersan siyaasada wadanka ayaa aaminsan in kacdoonada aan joogsiga lahayn ay dabada kariixayaan ardayda jaamacadaha dhigata kuwaas oo sida ay kooxdu aaminsantahay lahaa bilawgii kacdoonka shacabka ee kooxda TPLF lagaga soo horjeedo.

Xukuumada wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay dhaqaale malaayiin ah kubixinayaan xafladaha ay udhigayaan ardayda iyo dadka saamaynta leh kuwaas oo ay doonayaan in ay kadamiyaan ama kayareeyaan holaca kasocda gudaha wadanka.

Dhinaca kale dadka siyaasada gumaysiga Itoobiya dhaliila ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu kufataalayo lacago aad ubadan iyadoo guud ahaan wadanka ay kajiraan abaaro aad ubaahsan iyo waliba cuduro farabadan.

Sikastaba ha ahaatee dadka siyaasada udhuun duleela ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu qaaday wadadii rasmiga ahayd ee burburka, sidoo kale kooxda TPLF ayaa hada yaqiinsatay fashilka kuyimid waxayna samaynayaan isku day kasta oo ay wakhtiga kusii dheeraysan karaan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay