Dowlada Germany ayaa shaacisay tirakoob lagu sameeyey weerarada maalin kasta lala beegsado dadka qaxootiga ah ee wadankaasi ku sugan.

Sida kuxusan xogtan ay shaacisay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee dalka Germany ayaa lagu sheegay in sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, weerarada lala beegsaday Qaxootiga ay isugeyn gaarayaan 3.533 weerar.

 Waxaana la sheegay in maalintiiba in ku dhaw 10 weerar lala beegsado qaxootiga ku sugan Germany. Weerarada lala beegsaday shaqsiyaadka qaxootiga ah ayaa gaadhaya qiyaastii 2.545 weerar, halka 988 goor la weeraray xarumaha ay ku jiraan dadka qaxootiga ee ku sugan dalka Germany.

Dalka Germany ayaa sanadadii lasoo dhaafay qaabilay inta badan qaxootiga soo galay qaarada Yurub, waxaase jira cadaawad ay qaar kamid ah shacabka dalkaasi u qaadeen qaxootiga tiradda badan ee dalkooda soogalay oo ay aad uga cadhoodeen awgeed ayay ku keceen falal ka dhan ah Qaxootiga soo galootiga ah.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay