In badan oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka wadanka France ayaa qoraal ay soo saareen ugu baaqay Madaxweynaha xilka ka degaya inuu si rasmi ah u aqoonsado Wadanka Falastiin.

Xildhibaanadan ayaa ka kala tirsan xisbiyada waaweyn ee ka jira dalka France, waxayna baaqan ay u direen Madaxweyne Francois Hollande kaga codsadeen inuu tilaabadan qaado kahor intuusan xilka ka degin sanadkan.

Dalka Falastiin ayaa waxa aqoonsan inta badan dalalka caalamka marka laga reebo dalalka reer Galbeedka Yurub, Maraykanka iyo dalal kale oo faro ku tiris ah. Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeysanayey baaqyada kasoo baxaya Baarlamaanada wadamada Yurub oo intooda badan taageersan in shacabka Falastiin ay yeeshaan dal u gaar ah.

Dhaq dhaqaaqan ayaa sii xoogeystay kadib markii uu burburay wadahadalkii Falastiiniyiinta iyo Israel sanadkii 2014, wadahadaalkasi ayuu garwadeen ka ahaa Xoghayihii Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry iyo xukuumadii hore ee Maraykanka ee Barack Obama.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay