Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya gaar ahaana magaalada fiiq ee xarunta gobolka nogob ayaa waxay sheegayaan in ciidamada gumaysiga Itoobiya ay tacadiyo kala duwan ka wadaan gudaha magalada fiiq ee xarunta gobolka.

Sida wararku sheegayaan waxaaa magaalada dhexdeeda lagu dilay 3 qof oo shacab ah oo ahaa dhalin yarad magaalada dhalin yaradan ayaa waxaa laga la baxay guryahooda waxaan laga soo tuuray buurta duud dhuub ee magaalada fiiq dhalin yaradan la laayay waxaa ehelada loo sheegay in ay ka dhaceen gaadhi waxaa kale oo loogu han jabay inay san wax tacsi ah dhign karin.

Dhalin yaradan la laayay waxaa helay qaar kamida magacyadooda waxaana kamida Axmed Xassan, Nuur oo aanaan haynin magaciisa oo sadexan. Waxaa kale oo soo kordhaya xidhayga lagu hayo dadka shacabka waxaana si aan xisaab lahayn xabsiyada iyo xerooyinka ciidanka uga buuxa dad shacab ah waxaana kamida xerada ciidan Saadkoon iyo Xerada Ciidanka ee Gobolka.

Waxaa kale oo magaalada lagusoo rogay bandaw taasoo aan cidina socon karin magalada wakhtiyada habeenkii.

Si kastaba aha ahaatee shacabka Magaalada fiiq ayaa waxaa soo wajah day cabsi aad u badan iyo argagax.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha kal soco ONA.

 

ONA/Ogadenya

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay