Wararka naga soo gaadhaya gudaha Ogadeniya gaar ahaana tuulada marsin ee gobolk qoraxay ayaa waxay sheegayaan in shacabka ku dhaqan tuulada marsin ay isugu soo baxay salaad roob doona.

Shacabka magaalada gaar ahaana culumada haweenka iyo caruurta ayaa isugu soo baxay garoon wayn oo ku yaala magaalada waxayna ilaahay ka baryeen inuu raxmadiisa waraabiyo.

Shacabka Ogadeniya guud ahaan ayaa waxay ku jiraan wakhti adag oo roob la’aan iyo abaar waxaa kale oo usii dheer goobo ay ka dilaacay cudurka shuban biyoodka dad badan oo shacab ah ayaa waxay u dhinteen xanuunka shuban biyoodka.

Waxaa kale oo shacabka usii dheer roob la aanta abaaraha iyo xanuunada dhibaatada gumaysigu ku hayo shacabka Ogadeniya eela daalaa dhacaya dhibaatada gumaysiga.

Ilaahay waxaan uga bar yaynaa shacabka Ogadeniha inuu ka dul qaado dhibaatada abaaraha iyo xanuunada ah.

Wararkan iyo waxa kasoo kordh kala soco ONA.

ONA/Qabridahare

   

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay