Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in magaalooyinka waawayn ee Gobolka ay kasoo cusboonaadeen xiisado hor leh oo udhaxeeya ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo dadka deegaanka.

Sida xogtu ay nagu soo gaadhayso rasaas xoogan ayaa laga maqlayay daafaha magaalada Gonder halkaas oo umuuqatay magaalo colaadeed shalay ilaa xalay, rasaasta dhacaysay ayaa larumaysan yahay in ay udhaxaysay kooxo abaabulan oo xukuumada wayaanaha kasoo horjeeda iyo ciidanka wayaanaha ee magaalada Gonder kusugan.

Dagaalada noocan ah ee aan lagaranaynin cida iskaga soo horjeeda ayaa kusoo badanaya guud ahaan Gobolka Axmaarada waxaana la aaminsan yahay in ay jiraan dhalin yaro deegaanka ah oo si iskood ah isugu xilsaaray khal khal galinta amniga iyo ladagaalanka ciidamada xooga wadanka kuhaysta ee Agazi ga looyaqaano.

Dhinaca kale shir caalami ah oo lagu waday in uu magaalada Bahardar ee xarunta Gobolka Axmaarada kadhaco ayaa loo wareejiyay magaalada Addis Ababa sababo laxidhiidha dhinaca amaanka oo lagu kalsoonaan waayay in shir noocaas ah lagu qabto magaalada Bahardar.

Duqa magaalada Bahardar oo war fidiyeenka lahadlay ayaa sheegay in uu aad uliito amniga magaalada Bahardar wuxuuna eedayn dusha usaaray dhalin yarada deegaanka oo uu kusheegay kuwo u istaagay sidii ay amaanka ukhal khal galin lahaayeen, sidoo kale duqa Bahardar ayaa sheegay in amaanka magaalada lagu heli karo oo kaliya hadii shacabka lasoo dhaweeyo.

Warka ayaa intaas kudaraya in bilihii ugudambeeyayba magaalada Bahardar ay kajireen qulqulatooyin fala badan kuwaas oo cida wada aan lagaranaynin waxaana lasheegayaa in qalalaasuhu uugaadhay makhaayadaha waawayn oo laqarxinayo iyo gaadiidka maamul kusheegay oo laweerarayo.

Sikastaba ha ahaatee waxaa sii xumaanaya amaanka guud ahaan wadanka ay kooxda TPLF tu maamusho ee Itoobiya waxaana lafilayaa in amaanka wadanku uu bilaha soo socda kasii daridoono.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay