Waxaa saacado kahor kakacay xerada Ifo dab wayn oo saamayn kuyeeshay suuqa xerada Ifo ee deegaanka Dhadhaab.

dabka oo kabilowday agagaarka masjidka Abu.bakar ee xerada Ifo ayaan la ogayn ilaahada sababta kambaysay dabkan balse dadaal ay sameyen dadka kudhaqan xerada oo uu ilahayna kugarab galay ayaa ku guulaystay inlagu xakameeyo goobihii uu kabilowday.

Goobta uu dabku kabilowday ayaa ah makhaayado yaryar oo inta badan shaaha iyo qaadka lagu iibiyo wuxuuna dabku gubay qayb wayn oo kamif ah suuqa xerada Ifo. Dabka ayaa gaystay khasaare badan oo uu ugaystay dad meherado yar yar kulahaa xerada kuwaas oo saaka kusoo toosay hantidoodii oo baaba’aday.

waa markii labaad oo mido bil gudaheed ah uu xerada Ifo dab kakaco kaas oo aan lagaranaynin sababta ka dambaysa, sidoo kale horaantii bishan ayay ahayd markii dab aad uwayn uu baabi’iyay suuqa xerada Xagardheere eebdeegaanka Faafi waxayna dadka qoxootiga ah ku jaahwareersan yihii sababta keebaysa in suuqa lagubo.

ONA Ifo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay