Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa waxay sheegayaan in lagu dilay magaalada Addis Ababa. sadex askari oo kamid ah ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa lagu dilay xaafada Lafto District.

Dilkan ciidamada ayaa yimid kadib markii dagaal gacan ka hadal ah uu dhex maray dadka deegaanka iyo ciidamada wayaanaha oo weerar kusoo qaaday dadka dagan xaafadaas. Dagaalkan dhexmaray shacabka iyo ciidanka Itoobiya ayaa sidoo kale waxaa ku dhintay dad shacab ah oo tiradooda lagu sheegay 10 qof oo shacab ah.

Sida dadka deegaanku sheegeen ciidanka wayaanaha ayaa waxay damceen inay qasab kaga raraan dadka shacabka ah guryahooda waxaana ka dagaalamay dadka deegaanka ahaa oo diiday in ay ka guuraan guryahooda oo Gumaysigu rabay inuu si qasab ah kaga raro.

ONA/Adiss ababa.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay