Ra’iisul wasaaraha Dalka Canada Mr Justin Trudeau marka laga hadlayo talaabooyinkiisa dhinaca wanaaga u jan jeedhay ee uu qaaday ayaa waxyaabaha la xusi karayo waxaa ka mid ah in markii uu soo dhisay golaha wasiirada dalkiisa ayaa qof walba oo ka mid ah golihiisa wasiiradiisa waxa uu u xushay halka uu ku haboon yahay isla markaana uu ku wanaagsan yahay waxaana xubnaha uu magacaabay ay kala yahiin sidan:

1- Wasiirka Difaaca wuxuu u xushay Harjit Sajjan oo ah dagaalyahan hore.

2- Wasiirka Beeraha wuxuu u xushay Lawrence MacAulay oo ah nin beeralay ah.

3- Wasiirka caafimaadka wuxuu u xushay Jane Philpott oo ah dhakhtarad caan ah

4- Wasiirka socdaalka wuxuu u xushay Ahmed Hussen oo ah nin qaxooti kusoo galay dalka Canada isla markaana aad u fahamsan arimaha socdaalka iyo xuquuqda qaxootiga

5- Wasiirka Kallumaysiga iyo badaha wuxuu u xushay Hunter Tootoo oo ah shakhsi kaluumayste ah in badana wax uga yaqaan cilmiga badaha iyo kaluumaysiga

6- Wasiirka Gaadiidka wuxuu u xushay Marc Garneau oo ah cirbixiyeen.

7- Wasiirka Isboortiga wuxuu u xushay Carla Qualtrough oo ah ciyaaryahan caan ka ah dalka Canada.

Hadaba Ra’iisul wasaare Kheyre macquul ma tahay in uu xulashada noocaas oo kale ah uu sameeyo?

Dhanka kale sida wadanka Imaaraatka Carabta u leeyahay Wasiirka Farxada ma laga yaabaa in Soomaaliya ay yeelato Wasiirka Danyarta iyo Masaakiinta?

 

W/Q: Muxamed Cismaan Cafish.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.