Ra’iisul-Wasaare la magacaabay ee Jamhuuriyadda Faderalka Somaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in maanta oo ah maalin Arbaca ah uu hortagi doono Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Baarlamaanka ayaa maanta Arbacada waxaa u furmi doona kal-fadhigoodi 1aad. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furaya kalfadhiga Baarlamaanka. Madaxweyne Farmaajo ayaa xildhibaanada horgeynaya Ra’iisul-Wasaaraha uu magacaabey waxaana uu weydiisanayaa in ay codka kalsoonida siiyaan Ra’iisul-Wasaaraha si uu usoo dhiso Golaha Wasiirada ee xukuumadiisa.

Maalmihii u danbeeyey Ra’iisul-Wasaare Kheyre ayaa kulamo la yeelanayey Xildhibaanada isaga oo ka dalabanayey in ay fursad siiyaan kuna taageeraan codka kalsoonida. Warar ku dhaw Golaha Shacabka ee iska leh awoodda ansixinta ayaa shegaya in Ra’iisul-Wasaaruhu si fudud ku heli doono codka kalsoonida ee baarlamaanka.

Kadib marka uu helo codka kalsoonida, shaqada ugu horeysa ee Ra’iisul-Wasaare Kheyre hortaala ayaa ah dhismaha golaha wasiirada oo aad looga dhur-sugayo in uu soo magacaabo mudada loogu talagalay oo ah 30 bari.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay