Madaxweyne Donald Trump ayaa khudbadiisii ugu horeysay usoo jeedin doona labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka isagoo soo bandhigi doona xogtii ugu horeysay ee Miisaaniyada uu doonayo in xukuumadiisa loo ansixiyo.

Miisaaniyada Xukuumada Trump ayaa ah mid wax weyn ka duwan kuwii hore iyadoona uu inta badan jaray kharashaadkii dowlada Maraykanka ay ku bixin jireen Adeega bulshada halka sare loo qaaday miisaaniyada Wasaarada Gaashaandhiga iyo Militariga.

Mr. Trump ayaa $54 bilyan ku kordhhiyey miisaaniyadii hore loo siin jiray militariga taasi oo sare loo qaaday 10%, miisaaniyada militariga ee Trump ayaa isugeyn gaadhaysa in ka badan $600 bilyan oo dollar sanadkii. Dhaqaalaha Maraykanka uu hada ku bixiyo militarigiisa ayaa ka badan isugeyn 14-ka wadan ee ugu militariga weyn caalamka.

Hase yeeshee Donald Trump ayaa aaminsan in Militariga u baahan yahay in dib u habeen iyo balaadhin horleh lagu sameeyo, arrintan oo si weyn uga farxineysa shirkadaha awooda kuleh dalkaasi ee hubka soo saara. Lacagta Militariga loo kordhiyey ayaa la filayaa in laga soo jaro wasaaradaha kale sida Deegaanka, Caafimaadka iyo Arrimaha Dibbadda.

Qaar badan oo kamid ah Jeneraaladii hore ee Maraykanka ayaa bayaan ay soo saareen xukuumada Trump uga digay inay hoos u dhigto miisaaniyada Wasaarada Arrimaha Dibada oo ay sheegeen inay muhiim u tahay xidhiidhka Maraykanku caalamka la leeyahay.

Meelaha sida aadka ah hoos loogu dhigay miisaniyada waxaa kamid ah deeqihii Maraykanka uu siin jiray dalalka soo koraya iyo dunnida 3aad taasi oo si toos ah u taaban doonta mashaariic badan oo ay fulin jireen hay’adaha dhaqaalaha ka hela Maraykanka.

Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in miisaaniyada la dhameystiri doono bisha May, waxaase su’aalo badan la iska weydiinayaa in Xildhibaanada Maraykanka ay ansixin doonaan miisaaniyadan iyo inkale.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay