Warar hor dhac ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada Naziret (Adama) ee xarunta Gobolka Axmaarada ayaa tilmaamaya in magaalada ay kabilaabatay xiisad kulul oo u dhaxaysa ciidamada gumaysiga Itoobiya ee halkaas kusugan iyo dadka shacabka ah ee deegaanka kudhaqan.

Sida xogta aan kuhelayno xiisada ayaa bilaabatay kadib markii dad shacab ah oo cadhaysan ay dab qabadsiiyeen 4 guri oo dad udhashay qoomiyada Tigree ay lahaayeen kuwaas oo sida lasheego isla basbeelay iyaga iyo wixii kujirayba.

Ciidamo kusheega dhinaca amaanka qaabilsan ee wayaanaha ayaa lasheegayaa in ay weerar kusoo qaadeen dadka shacabka ah ee deegaanka iyagoo rasaas nool adeegsanaya halkaas oo ay qaqabteen dad farabadan oo kuwa kacdoon wadayaasha ah kamid ah, sidoo kale ciidamada ayaa lasheegayaa in ay dhaawacyo gaadhsiiyeen dad badan oo shacab ah.

Dhinaca kale shacabka Oromada ee kusugan magaalada Naziret ayaa bilaabay in ay guud ahaan magaalada guri guri ugalaan iyagoo raadinaya bal in uu magaalada kusugan yahay qof udhashay qoomiyada Tigreega oo ganacsade ah ama howlo kale ujooga waxayna shacabku balan kuqaadeen in ay gubi doonaan gurigii ay qof tigree ah ku arkaan.

Shakhsiyaadka udhashay qoomiyada Tigreega oo horaan looga nadiifiyay Gobolka Oromia ayaa lasheegayaa in ay galeen xeryaha ciidamada wayaanaha halkaas oo ay naftooda kubadbaadinayaan, sidoo kale dadka udhashay qoomiyada Tigreega ayaa kaquustay in ay safar dhinaca dhulka ah kumaraan Gobolada Oromada iyo Axmaarada.

Shakhsiyaadka kooban ee kusoo hadhay Gobolka Oromada ayaa lasheegayaa in ay yihiin jaajuusiin ama kuwo qaab kale ula shaqeeya ciidamada wayaanaha kuwaas oo iyagoo kaligood ah aan banaanka usoo bixin.

Sikastaba ha ahaatee dadka udhashay qoomiyada Tigreega ayaa lasheegayaa in ay noloshu ku adkaatay kadib markii laga go’doomiyay dhamaan deegaanada ay qoomiyadaha kale dagaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay