Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya in cudurka daacuunku uu dad aad ubadan kulaayay meelo kamid ah Ogadenia, sida warku sheegayo cudurkan oo mudo dheer ku dhex jiray wadanka oo dhan ayaa galaaftay dad shacab ah oo aad ubadan.

Meelaha ugu daran ee dadka badani ku dhinteen waxaa kamid ah Tuulada Farmadow oo Gobolka Qoraxay katirsan waxaana lasheegayaa in todobaadkan ay tuulada kudhinteen 11 qof oo waayeel iyo ciyaal isugu jira.

Sidoo kale waxaa gudaha Tuulada Farmadow ku sugan dad aad ubadan oo la il daran cudurka daacaan caloolaha mana jiro wax kaalma caafimaad ah oo lagaadhsiiyay dadka kutabaalaysan Tuulada Farmadow.

Dhinaca kale waxaa guud ahaan wadanka Ogadenia fara ba’an kuhaya cudurka Daacuun caloolaha kaas oo galaaftay nolosha dad badan oo ubadan ciyaal iyo waayeel.

Xukuumada ay cadawnimadeedu qaan gaadhay ee wayaanaha ayaan wax dan iyo heela ah kalahayn dadka kubaaba’aya dhulka miyiga ah iyo waliba magaalooyinka Ogadenia.

Sidoo kale waxaa guud ahaan wadanka Ogadenia aafeeyay abaaro saameeyay dhamaan nolosha dadka iyo duunyadaba taas oo aysan jirin cid caawimaad ufidisay dadka tabaalaysan.

Wadanka Ogadenia ayaa mudo dheer lagu hayaa cuna qabatayn dhinaca hay’adaha iyo ganacsiga ah taas oo keentay in abaaraha iyo cuduraduba ay si sahlan ufaafaan.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay