Ra’iisul-Wasaaraha Jamhuuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta hortagey Baarlamaanka si ay u siyaan codka kalsoonida. Kalfadhigga 1aad ee Baarlamaanka waxaa furey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi oo khudbad ka jeediyey xildhibaanadana ka codsadey in ay Ra’iisul-Wasaaraha siiyaan codka kalsoonida si loo dhaariyo xukuumaddana u soo dhiso.

 Kheyer ayaa dhigey taarikh cusub waxaana uu helay codka kalsoonida ee baarlamaanka 231 Xildhibaan iyada oo tirada guud ee Xildhibaanadu ay tahay 270 Xildhibaan.

Ra’iisul-Wasaaraha ayaa maanta xilka loo dhaariyey waxa uu Xildhibaanada ku bogaadiyey sida wanaagsan ee ay codka kalsoonida u siiyeen. Ra’iisul-Wasaaraha ayaa ballan qaadey in shaqada ugu horeysa ee uu qabanayo ay tahay in uu soo dhiso xukuumad ka jawaabi karta baahida shacabka, sidoo kale waxa uu sheegay in uu awoodda saari doona wax ka qabashada saameynta abaaraha iyo duruufaha taagan.

 

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay