Ummadda Soomaaliyeed waqtiyadii ay u halgamaysay xoriyada gumeystayaashii Ingiriiska iyo Talyaanigana ay ku sugnaayeen Ciida Soomaaliyeed ayaa waxaa dhacday in la doonay meel ay xarun ka dhigtaan ururkii dhalinyarada S.Y.L in loo iibiyo.

Qof kasta oo Soomaali ah meel kasta oo uu kaga noolyahay dalkeena hooyo ayaa laga codsaday wixii dhaqaale uu heli karo inuu kaga qeyb qaato waxaana dhismaha la doonayey in la iibiyo lagu qiimeeyey lacag xiligaas gaadhaysay 70 kun oo Dolar.

Hadaba waxaa dhacday in nin oday ahaa oo ku noolaa Gobolka Qoraxay ee dhulka Soomaalida Ogadenya ee ay xooga ku haysato Itoobiya uu lacag kasoo uruuriyey dadkii Soomaaliyeed ee halkaa ku noolaa. Dabeedna isagoo soo socda oo gaadhi saaran sidana lacagtii uu soo uruuriyey doonayeyna inuu Magaalada Muqdisho keeno ayaa waxaa gaadhigii uu saarnaa dhexda u galay oo qabtay niman Budhcad Tuugo ah oo gawaadhida safarka ah dhexda u gala waxaana lacagta ninkaa odayga ah ay ugu jirtey Sanduuq uu ku dul fadhiyey oo Calankii ay laheyd S.Y.L ku dhex duuban.

Ragii tuugada ahaa markii dadkii gaadhiga saarnaa ay baadhanayeen ayey ninkii lacagta siday oo rakaabka kamid ahaa ku yiraahdeen ka kac sanduuqa aad ku fadhidid dabeedna markii ay lacagtii arkeen ayuu ninkii ku yidhi ragii tuugada ahaa lacagtan aan sido waxaan u soo uruuriyey ururka Dhalinyarada Soomaaliyeed ee xornimada u dagaalamaya Leegada S.Y.L waxaana la doonayaa in loogu iibiyo xafiisyo ay ku shaqeystaan oo dadka Soomaaliyeed ee gobonimo doonka ah laga abaabulo.

Waxaa dhacday in ragii tuugada ahaa dadkii kale ee gaadhiga saarnaa ay xoogaa lacago ka gurteen ama ka qaateen waxaana ay ka xishoodeen in ay qaataan lacagtii loo uruurinayey halgamayaashii S.Y.L.

Waxaa hadaba layaab leh tuugadaas dadka wadada u istaagayey ee wixii ay sitaan ka furanayey wadaniyadii ay dareemeen waqtigaas oo haatan mudo dheer laga joogo maanta dadkeena badankiis laga la’yahay oo ay dareemi weysan yahiin qiimaha wadaniyada ay leedahay.

 

W/Q: Xildhibaan Cabdi Weli Goonjeex.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.