Weerar qorshaysan oo loo adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayay 26/12/2011 ku qaadeen Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogadenya saldhiga  ciidamada cadawga ee magaalada Galadiid oo ka tirsan degmada Qabri dahar, halkaasoo cagta lagu mariyay guud ahaan saldhigaa iyo  wixii ku noolaa. Hawlgalkan oo ka mid ah kuwa ay fuliyaan ciidamada si gaarka  u tababaran ayaa  ahaa mid guul laga gaadhay .

Ciidamada JWXO ee sida gaarka ah u tababaran ayaa xaqiijiyay in saldhigaa ay ka dhigeen gabi ahaanba mid hawlgab ah oo gabi ahaanba baaba’y.

Isla taariikhdan ayaa kolanyo gaadiid ah oo maraysay duudciid   oo ah duleedka magaalada qabridahar  halkaa lagu helay waxaana goobtaas lagu shiday   oo dab culus loo adeegsaday hal baabuur kaas oo noqday hawl gab. Dagaalada kale een warbixintooda aan helnay ayaa waxaa ka mid ah;

20.12.2011 dagaal ka kugta oo ka tirsan degmada dhagaxmadaw waxaa ciidanka cadawga lagaga dilay  3 askari 2 kalana waa lagaga dhaawacay.

21/12/2011 dagaal ka dhacay duudciid oo ka tirsan garbo waxaa ciidamada cadawga lagaga dilay 7 askari   waxaana lagaga dhaawacay 3 kale.

Waxaa ciidanka cadawga lagula galay dagaalo  deegaanada kala ah biqod, huraale, dusmo  iyo bulxan oo dhamaan ka tirsan gobolka jarareed ee dalka ogaadeenya.

Dhinaca kale waxaa tababar caafimaad oo socday mudo 30 maalmood ah  lagu soo gabagabeeyay dugsiga tababrka caafimaadka ee qaybta Birjeex ee CWXO. Tababarkan oo lagu baranayay gargaarka dagdag ah ayaa   ardaydu waxay xaqiijiyeen inay si fiican u qaateen duruustii  halkaa  laga bixinayay  islamrakaana ay uga faa,iidayn doonaan dhamaan dadka ogaadeenya ciidan iyo shacaba ,sidoo kale   qaar ka mida macalimiintii bixinaysay casharada oo halkaa ka hadashay ayaa sheegay in casharadan ay wax badan ka daboolayaan baahida   gargaarka dagdaga ah waxayna intaa ku dareen  in ay ku qanacsan yihiin sida hufan ee ay ardaydu u fahmeen duruustii la siinayay.

Ugu danbaytii Madaxa caafimaadka ee qaybta birjeex ayaa amaan  iyo bogaadin u soo jeediyay  macalimiintii iyo ardaydii labada isaga oo uga mahadcelyay sida xilkasnimada ah  ee ay hawshaas u dhamaystireen

ONA.

 

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay