Xafladan lagu taageerayay Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu qabtay wadanka Norway Casimadiisa Oslo.

Xafladan waxaa soo agaasimay kana soo shaqeeyay Jaaliyada Soomaalida ee dalka Norway ku Nool waxaana hoolka xaflada soobuux dhaafiyay dadwayne aad ubadan.

Xaflada ayaa qabsoontay xili hore oo xalay ah waxaana ka soo qayb-galay Bulshada qayba heeda kala duwan, Marti- Sharaf ka Socotay Dawlada Norway iyo dad kale oo magac iyo miisaan leh sida Xisbiyada Siyaasada wadankaas oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano Soomaali ah lagana soo doorto Degmooyinka Magaalada Oslo.

Waxaa lagaga hadlay sidii gacan loo siin lahaa dawlada cusub ee udhalatay wadanka Somaaliya loona miday lahaa aragtida dadka qurbaha kunool iyo kuwa Dalkii Joogaba. Waxaa kale oo lagu aruuriyay Lacag loogu taba rucayay dadka abaaruhu ku dhufteen ee wadankii ku rafaadsan mudada dheer.

Gudntii iyo Gaba-gabadii Xafladan ayaa waxay ku soo dhamaatay jawi aad u qurux badan oo ay wadaniyad iyo qiiro farabadani kamuuqatay waxayna u ekayd Soomaalidii goobta joogtay inay ahaayeen Soomaali Cusub oo hada dhalatay.

Waxaa xaflada goobjoog ka ahaa Ilays TV waxaadna kala socon doontaan Barnaamij kaas oo Faah-faahsan hadii Alle idmo.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay