War dagdag ah oo goordhowayd uu na soo gaarsiiyay wariyaha Wakaaladda u jooga Nairobi wuxuu noo sheegay inuu maantana Ibraahim dheer kaga cararay cumaamadiisii iyo labadii kaboodba kursiga dushiisa, Iyadoo shacbiga joogay suuqa Eastliegh ay daawanayeen markuu jaanta wadhay laamiga badhtankeeda.

 Waxaa maanta ka dhacay Eastleigh Mall arin aanu filaynin Ibraahim dheer iyadoo Qalabkii Hallka shirka Daaru-nadwa(Islii Mall) ay gabdhaha iyo wiilasha Jaaliyada Ogadenya u hadheen, Ibraahim dheer, Shakuul, Shibli iyo hadhaagii Ajo-gudhayna ay jaranjarta Islii Mall (daaru-nadwa) ku noqotay Jidkii siraad ayay saaka  shacbiga Islii wada dawanayeen.

Dhacdadaasi ayaa si lama filaan ah Nairobi oga dhacday, kadib markii uu Ibraahim dheer oo kaligii ahi habeen sadexaadkii si dhuumal ah ku yimid dalka Kenya, isla markaasna uu si qarsoodi ah shir ugu iclamiyay hadhagii yaraa e Alitixaadkii halaagsamay, waxaana saaka abaari 10kii barqinimo Hallka shirka ee Daaru-nadwa (Islii Mall) ku soo xaadiray 30meeyo qof oo ka koobnaa hadhaagii Itixaadkii isdhiibay, hase yeeshee oo waxaa hoolka gudaha iyo banaankaba isku xeerxeeray jaaliyada Ogadenya iyo shacbiga Islii oo diidanaa beenta iyo khiyaamada uu dabadhilifka wayaanuhu xanbaarsanyahay,

Markii ay shirkii dabaqoodhiga ka hadleen, labo nin uu ka mid yahay, Mahadi Ayuub Guuleed oo isagu maalmo ka hor Kenya yimid, ayaa markii uu Musaylamatul-Kadaab, waa Ibraahim dheree hadlaka qabsaday. Ibraahim dheere oo caan ku ah afminshaarnimada isuna haysta inuu cidwalba madixiisa minje u rogi karo ayaa dadkii ku yidhi ha’i weydiiyo qofkii nugu khilaafsan fikradan wuxuu doono. Waxaa markiiba Su’aalo ku boobay dhalintii jaaliyada Ogadenya ee meesha fadhiday, oo mid ka mid ah uu weydiiyay oo yidhi; ” ma waxaad noola timid ood naga dhaadhicinaysaa hadda barnaamijka Meles ayaa faa’iido idiinku jirtaa”. 

Waxuu  isku dayay Musaylamatul-kadaab, inuu jawaabaha ka warwareego, taasoo markii dambe uu af-labadii ku yidhi -Haa-. Jawaabtaa ayaa noqotay waxay carabtu odhan jireen -Tintii dhabarka ka jabisay ratiga-.  Waxaa halkii isku maan dhaafay Xubnihii Ajo-gudhay, iyo dhalintii Jaaliyada Ogadenya, halkaasoo miisaskii, Kuraastii, iyo kabihiin, ay hadhaagii Ajo-gudhay oo ay  ka mid yihiin, Ibraahim dheer, Shakuul iyo Shibli lala miciinsaday, daqiiqado gudahood ayaa Ajo-gudhay cadaabkii aduunka lagu tusay, waxaana ay ka baxsadeen, calaladoodii, iyo kabahoodii.

Waxaa goobtii shirka ku hadhay dhalintii jaaliyada. Nimankii magaca agoonta quudanjirayna nafi oradbay kugu aamintaaye, salaankii Dhismaha Daaru-nadwa ayay boobeen, waxaanay dadku isla dhexmarayaan, Jararn jartii  daaru-nadwa o Jidkii siraad ee aduunka ku noqotay Wadaado ku sheegii Al-itixaad,

 Dhismihii  daaru-nadwa, muraayado kuma yeedhaan, oo qaar ka mid ah Ajo-gudhay ayaa markay dibada dhismaha u soo baxeen iyagoo carar ah ay cadhadii isku la dhaceen, waxa ayna halkaasi daqiiqimaha kaga dhigeen muraayadihii dhismaha iyagoo markaasi dhexdooda islaynayay, oo u kala baxay Ajo-gudhay iyo Barbar-cawradii Salaaxudiin.

Waxaa intaasi dheer in aan ilaa iyo eega la  la ogayn meesha uu Ibraahim dheere ooga cararay, in kastoo  la sheegayo inuu safaarda Wayaanha naftii kula cararay.

Dhanka kale waxaa albaabada loo laabay ganacsigii kala duwanaa ee Daaru-nadwa iyo guud ahaan dhismihii oo dhan, isku soo wada duuboo fashil lama odhan, guuldaro lama odhan karo khasaarana lama odhan karo,  Maxaan odhan karaa?, waxaan magac bixinta waxii Daaru-Nadwa ka dhacay iyo wacdarihii Wayaanha halkaasi ka raacayba u daynaynaa Akhristayaasha ONA , gaar ahaan shacbiga Kenya ku dhaqan ee dhacdadaasi goobjooga ka ahaa.

Guusha shacbiga Ogadenyaa Iska leh.

 ONA

 
 

8 Comments

  1. wiiljwxo says:

    war maxaad ka hadlaysaan?! alla, alla, oo ka dibna?!
    waa la yaab!, jaaliyadda reer Ogaadeeniya waa hubaal inay D.qoodhiga kabahooda keenayaan kaadidoodana kalax ku shubayaane, wallee tani waa uun water gate ! iyo wax ka daran

    jaaliadda reer Ogaadeeniya ee keenya guulaysta guullana ha idinla jiro, aamiiiiiiiiiiiiiiin yaa rabb

  2. abdalla says:

    maa shaa allaah, waa wax la filayey !
    waa hubaal inay xaaladdodu noqon ” nafi orod bay kugu aamintaa”
    guulaysta jaalyadda reer Ogaadeeniya !

  3. gurmad says:

    good job. Jaaliyada Nairobi Rabi Haidinguuleeyo. wayaanada ha lalayo.

  4. Geesi Alla Ma Xilo says:

    Geelow Geedwalba Daaq oo Maalintaad Ceyn daaqdo ayaa laguu yaabaa.Marka Maanta Waa loo yaabaa AJO-Gudhay.Ibraahim dheere wuxuu ka cadowsanyahay Gumeyiga Ethiopia waa in Ummada reer Ogaadeenya iska qabataa Ibraahim Kadaab.Thank you Jahliyadda Ogaadeenya ee Nairobi Kenya Well-done.

    • geedi says:

      ajo gudhay meel walba way kufashilantaya
      dhacdadaas yaab kale anigu waxaan ubixin lahaa
      quusashadiii daba qoodhiga
      kkkk ajo gudhay musaylama kadaaab ayaa iso jiitaya wa arun
      magacaas mooyeen yaan cidna laga maqlin ibraahin

  5. Ceebey tacaal ibraahim dheere wali dib ma udhagaystay muxaadaraadkiisii ahaa al acmaalu bikhawaatimihaa ibraahim bal isdhagayso markale waxan aad ulayaabanahay dadka culimada ah ee xaasidnimo darteed iyo waa laydinka badiyey gaalnimada ugu dhacaya subxaanallaah allw nabadbaadi sheekh umala fataawaadkiisii hadhagaysto inta uusan udirin ibraahim malaze kahor maantana waxa uu ku hadli ma fataawigii qadiim iyo xadiis ee imaam shaaficibay noqotay qadiyadii ogadenia subxaanallaah war alle kabaqa ogadenia waa xoroobi waana dalkiinii oo waxbaad kuleedihiine ciqabta aad kuhaysan dadkla iyo diinta iyo dalkaba kadaaya hadaad diir islaam leedihiin allena kabaqa godka madaw eed dadka usheegtaan kabaaqan maysaane kabaqa godka iyo cadaabka cadawga aad garab taagantihiina kahara wilasha jwxo iyo hablaha sharafta leh guulaysta waan idinku diirsanee albaab khayr leh alle ha idiin furo

  6. jugle says:

    asc dhamaan maamulka sharafta leh ee ogadennet.com waad mahdsantihiin sida sharafta leh ee aad ufashiliseen adeegaha gumaysiga itoobiya inshaa laah daacadi maliicdo ibraahim dheere wuxuu kutalagalay in uusan dadka reer ogaadeeniya sharaftooda iyo karaamadooda ka hormariyo danahiisa gaarka ah si uu dadkan reer ogadeniya diigooda ugu noolaan lahaaa waxuu ahaaba hada meel aanaan waligano kafilaynin ayuu kabaxay oo sheekhii layaqaanayba maha diintii uu sheeganayay ma waxay lagashay in uu dadkaa muslimiinta ah ee dulman uu gumaysiga umada islaamka ah ee reer ogadenia ugu minja qabto oo uu dhiigooda kubanaysto oo uu maanta kudoodo in dadkaa lalaayo oo ayitoobiya layso waa xaq walaahi waa nasiibdaro waxaanuna leenahy ilahy xaqa hakugaran siiyo dadkaygana waxaan leeyahay waa in aan samir muujinaa oo aan halganka af iyo adinba kawadnaa waxaan mar labaad umahad celinayaa dhamaan maamulka ogaden net

  7. aaran says:

    Walee mardanbe ayaan lagaa akhrisanin waxaan ahay sheikh oo cumaamad baan isku soo duubi. Xagee lagu arkay wadaad u shaqeeya gaal oo hadana ku sii iladag in uu sheikh yahay. Waxaa hubaal ah magaca loo bixiyey ee ah Ajo gudhay in ay aad oogu haboon tahay.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay