David Steinman,

Qoraa caan ah oo lagu magacaabo David Steinman ayaa maqaal dheer oo uu ka qoray xaalada banii’aadminimo ee Itoobiya ciiwaan uga dhigay ” Ciyaarta Khayaamada & Cadawtinimada Leh ee Itoobiya”.

Maqaalkan uu qoray Mr. Steinman ayuu kaga hadlay baaxada ay leedahay macaluusha saamaysay maaliin Itoobiyaan ah oo ay abaaro, dar-xumo, Musuq iyo coolaado gaamuray ay isu biirsadeen kuwaas oo halis galiyay in kabadan 5.6 Milyan oo Itoobiyaan ah.

Mr. Steinman ayaa sheegay in Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (QM) António Guterres, iyo Madaxa Gargaarka QM Stephen O’Brien ay ugu baaqeen beesha caalamka in gargaar degdeg ah la gaadhsiiyo dhibaneyaasha ku tabaalaysan Itoobiya. Gargaarkan oo lagu qiyaasay inay ku baxday aduun lacageed oo dhan $948 million, oo doolarka Maraykanka ah.

Qoraaga ayaa si gaar ah wuxuu u dhaliilay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (QM) António Guterres amaan uu u soo jeediyay taliska Gumaysiga Itoobiya xili uu Mr. Guterres  ka qaybgalayay kulankii 28aad ee Midawga Africa (AU) oo ka dhacay magaalada Addis Ababa. Sida uu Qoraagu sheegay Mr. Guterres ayaa ku baaqay in taliska Gumaysiga Itoobiya taageero buuxda lagu siiyo horumarka ay ku talaabsadeen taasoo uu kasoo qaaday qoraagu waxbo kama jiraan.

Haween iyo Caruur Itoobiyaan ah oo macaluul daran ay ka muuqato oo daryeel caafimaad saf ugu jira Tuulada Lerra ee Gobolka Wolayta.

 

 

 

 

 

 

 

Mr. Steinman ayaa si faah faahsan shaaca uga qaaday dhibaatooyin dhabta ah ee keenay in malaayiin Itoobiyaan ah ay macaluul intaas gaadhaysa soo food saarto taasoo uu sheegay inay salka ku haysa musuqa iyo boobka lagu hayo gargaarka ay beesha caalamka Itoobiya ka hesho taasoo ay ugu horayso dawlada Maraykanka oo iska indho tiraysa gumaadka iyo musuqa hadheeyay Itoobiya ee ay gacanta kula jiraan kooxda Woyaanaha ee dalka majaraha u haysa.

Waxaa kaloo uu intaas raaciyay in Maraykanku ay isko indho tirayaan gabood fallada iyo marin habaabinta lagu hayo gargaarka ay siiyaan Itoobiya iyagoo taas badalkeeda ku tilmaamay in Itoobiya ay tahay quwada ugu wayn ee la dagaalamaysa waxa loogu yeedho argagixisada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Maraykanka ayaa taas awgeed aan waxba kasoo qaadin musuqa iyo boobka lagu hayo gargaarka loogu talogalay in la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan.

Dhinaca kale qoraaga ayaa farta ku fiiqay in Gumaysiga Itoobiya uu qayb wayn ka qaatay sidii qarankii Soomaaliyeed loo burburin lahaa looga dhigi lahaa maamulo aad u kala fog oon awood lahayn si aysan garab iyo taageero toona u siinin Shacabka Soomaalida Ogadenya ee khayraadka dabiiciga ah wadankoodu hodanka ku yahay. Wuxuuna yidhi ”Keep Somalia weak and divided so it can’t unite with disenfranchised fellow Somalis in Ethiopia’s adjoining, gas-rich Ogaden region”.

Maqaalka oo dheeraa ayuu qoraagu kusoo gaba-gabeeyay in ciyaarta khayaamada iyo cadawtinimada leh ee Itoobiya aysan waxba iska badalaynin maadaama oo ay wali raali ka yihiin beesha caalamka oo ka dharagsan cadaadiska iyo cabudhinta ay ku jiraan shucuubta Itoobiya ee xornimada iyo horumarka higsanaysa.

By: David Steinman.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.