Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in shir madhalays ah uu maalintii labaad magaalada uga socdo kooxda magac uyaalka ah ee EPRDF.

Sida xogta aan kuhelayno shirkan oo ahaa mid mid saxaafada loodiiday ayaa lasheegayaa in lagaga hadlay arimo dhowr ah kuwaas oo kasoo qayb galayaashii shirku ay siwayn ugu kala aragti duwanaadeen isla markaana keenay in shirku uu horay usii socon waayo.

Kulanka ayaa lasheegayaa in diirada lagu saaray wixii laga samayn lahaa xukunkii dag daga ahaa ee wadanka saaraa mudadii 6da bilood ahaa kaas oo dhamaaday xili wax isbadal ah uusan wadanka kajirin, qaar kamid ah saraakiisha wayaanaha ayaa sheegaya in wax farqi ah uusan udhaxaynin markii xukunka wadanka lagusoo rogay iyo maanta oo xiligii xukunka dagdaga ah looqabtay uu dhamaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in kooxdii EPRDF tu ay ukala jabtay labo qaybood oo mid kamid ah uu doonayo in xukunkii dag daga ahaa wadanka lagu siihayo isla markaana lasharciyeeyo dhowr bilood oo kale taas oo sabab ay uga dhigeen in dalku uu faraha kooxda kasii baxayo.

Kooxda kale ayaa sheegaya in ay muujiyaan woxoogaa dimuqraadiyad ah taas oo sida ay ku andacoonayaan ay aduunka kaga heli karaan woxoogaa kalsooni ah waxayna kudoodayaan in aduunku uu hal dhinac kamiri doono hadayna qaadin xukunkii uu wakhtigiisu dhamaaday.

Dhinaca kale shirkan ayaa lasheegayaa in lagaga hadlay is aaminaad la’aanta kooxda dhexdeeda ah iyo in lamuujiyo shaqo wanaag si ay wakhti ugu sii helaan talada wadanka ay colaaduhu halakeeyeen ee Itoobiya.

Sikastaba ha ahaatee kulankan ayaa lasheegayaa in wax natiijo ah aan laga sugaynin isla markaana uu raacidoono shirarkii badnaa ee kooxdu ay gali jirtay iyagoo af iyo uur is khilaafsan ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay