Maashaa Allaah waa kalimada Diinta Islaamku inagu amartay inaan ku dhawaaqno markaan aragno Nicmo walaalkaa haysto ama uu gaadho wax guul iyo wanaag ah, sidaa daraadeed baan leeyahay Maashaa Allaah Cali sabire Sigad ilaahay wuxuu siiyay Aqoon, karti iyo Gaarasho uu ku fahmay in la guumaysto dalkiisa iyo dadkiisaba, Sidaana uu kaga soo dhaqaaqay danihiisii gaarka ahaa.

Waa la ogyahay oo dadka Ogadenya ma wada xuma xataa haday shaqooyin ka hayaan dalka gudihiisa wayna dhici kartaa in Aqoonyahan badani raadinayaan fursaddii ay kaga goosan lahaayeen Guumaystaha sii bakhtinaya. Runtii lama aqbali karo inuu ku guumaysto nin aad ka sharaf badantahay, kana aqoon badantahay.

Mudane Cali Sabire waa aqoonyahan wadani ah oo muujiyay geesinimo. Taas waxaa cadaynaya qaabka uu durbadiiba u hawl galay isagoo la xidhiidhay Idaacadaha caalamiga ah isla markaana iclaaniyay inuu dagaal la galayo kooxda TPLF ee dadkiisa ku amar kutaagleysa. Waxaa kale oo uu sheegay inuu ku biiray Ururwaynaha ONLF oo si wayn uga halgama daafaha caalamka.

Ururka ONLF ayaa ka dhabeeya mar walba baaqoodii ahaa inay soo dhaweynayaan cid kasta oo doonaysa inay ka qeyb qaadato Halganka xaqa ah ee lagu goobayo xornimada dalka Ogadenya. Dhanka kale wadanka lagama xigo cidna oo xataa hadaan la isa soo dhawaynin waa inuu Ruux waliba hawsha dhinaca ka galo.

Hadaan ahay Ninka qormadan kooban qoray oon filayo inay dad badani la socdaan Qoraaladeyda, waxaa igu dhaliyay inaa warqadan qoro waa Farxad iyo markaan arkay mudane Sigad oo ka mid ah dadka aadka Halganku ugu baahnaa oo dhabarka ka jabiyay Siyaasaddii Guumaystaha Tigreega ah ee khiyaanay malaayiinta umadaha ah.

Waxaan kusoo koobayaa kalimadaan ku bilaabay oo ah Maashaa Allaah, Mudane Samire Sigad waa xoog & Xubin Muhiim ah oo Halganku ku diirsaday. Ilaahay walaalka haku sugo halganka xaqa ah hana u fududeeyo hawlihiisa. Aamiin.

Xaaji M/rashiid Aw Macalim
Qoraa madax banaan
Samatobaxe2014@hotmail.com

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.