Hawlihii halganka gobanimadoonka ee la qorsheeyay sannadkii 2011ka, sidii loogu talo galay ee u haboonayd ayay u wada fuleen, xag ciidan, abaabul, siyaasad dibadeed, warbaahin & wlm.

Sannadkan dhamaaday wuxuu ahaa mid hawlihiisu badan yihiin. Waxaa lagu xusuusan doonaa inuu ahaa sannad hawl iyo waxqabad halgan oo guuleystay. Waxaa lagu xusuusan doonaa sannad hawlgalo faraha badan ee geesiyiinta CWXO, ay si maalin la’ah goobaha dagaalka uga fulinayeen oo guulo balaadhan ay ka soo hoyiyeen.

Waxaana si weyn looga xusuusan doonaa:

  •   Banaanbaxyadii isdaba jooga ahaa ee xadgudubyada gumeysiga lagaga soo horjeeday.
  •  Shirarkii dawliga ahaa ee sida joogtada ah aduun-weynaha loogu soo bandhigayay xaqnimada qadiyadda Ogadenia.
  • Kormeeradii iyo shirarkii waaweynaa ee lagu qiimeynayay geedi socodka halganka iyo habka hawluhu u fulaan.
  • Sidii xikmadda lahayd ee mar-walba loo fashalinayay qorshayaashii gumeysiga ee naf-lacaariga wada ahaa.
  •  Isku xidhnaanta iyo mintidnimada bulshada reer Ogadenia gude iyo dibadba iyo taageerida aan hakadka lahayn ee ay halganka iyo ciidamada geesiyiinta ah la barbar taagan yihiin.
  •  Sannadkani inuu ahaa, mid halganku guulo balaadhan oo  dhinac-walba leh uu soo hoyiyay.

Waxaan salaan qadarin iyo qiimo balaadhan leh u dirayaa, dhamaan halyeeyadii hawlaha halganka fuliyay; Masuulinta, N/hurayaasha, Halgamayaasha, dhamaan xubnaha ururka iyo taageerayaasha halganka iyo dhamaan inta rumaysan xaqnimada qadiyadda Ogaadeniya, ee ka wada qayb galay fulinta qorshe hawleedyadii sannadkii 2011, oo si guul leh ku dhamaaday.

Waxaan inoo rajayn oon Ilahay SWT ka baryi, in sannadka cusub ee 2012-ku inoo noqdo, mid guul iyo gobanimo xambaarsan. Inagoo Eebe talo saaranayna,  aan midnimadeena xoojino, wax-qabadkeena laban-laabno, qadiyadeena ku dhaganaano.

Midnimo! Mintid! Iskutashi,

Allaahu Akbar! Allaahu Akbar! Allaahu Akbar!

Adm. Mohamed Omar

 

ONA.

 

 
 

2 Comments

  1. asc halkan waxaan kasalaa maynaa anaga oo ah dhalin yarada udhashay wadan ogaadeenia kunool saudi arbia gaar ahan man daqatul sharqiya waxaan halkan kasaalaamaynaa dhamaan inta uguntatay dalkooda inay kadhiciyaan gumaysiga dhamaan meel kasto ay jooganba sxb ama wll yaal imbadan ayeenu raadi naynay xaqeenii saan illaahay karajeeynay no maalin aan dheerayn waxaan haleynaa xaqeenii ee waxaan idin ka cod saneynaa sxb yaal ama wll ninkastoow hawshii aad hay say hadii aad ahayd xubin ama naftii hure qaaliya amataageere in aad labalaabtohawshii aad haysay dadaal dheerad na aan muujino wll waxaan inoo rajeey nayaa guul iyo gobanimo sanad kan sanadkiisa ogaadeeniyo ku ciidno nabad barwaaqo iyo xoriyadi kujirto waxuu yidhi illaahay qoomna maduleeyo limaa ay iyadu isdulayso illahay xaqa ha inagaransiiyo aamiin aamiin aamiin guul gobanimo

  2. sanad ka cusub ayaan soodhawantiisa ayaan ku baraarujinayn naa dad ka udhashay ogaadeeniya gamaysigan gabooboobee gayigeena joogaa ma garbuu ku joogaa mise inagaa garaadli in ugu fidinay gogashii oo usiinay gobaladii gaaskiyo badroolka iyo nimcada aay gadhoodhee eeba gaarka kaga dhigay umadyahay gandoodee caqligeeda gaabshee xilkas keedii gaasiray hadba geesigii kaca muuxuu garab uwaayaa kondaha oga goysaan hadba kii ku gawrici maxaad garab usiisa guuloow illaahoow adaa geesayada kacay garab gali karaayee nagaadh sii mar gobanimo wll rajo wacan guul guul guul gobanimo allaahu akbar allaahu akbabar allaahu akbar qarij33@hotmail. ama face maxamad abuukar axmad mujaahid daahir axmad

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay