Dhibaatada nabadgeliyo darrada iyo khilaafku ka mid yihiin ee Soomaaliya ka dhex taagnaa dhawr iyo labaatankii sanno ee u dambeeyey ayaa dad badan oo Soomaaliyeed sababta koobaad waxa ay siiyaan dowladda Ethiopia iyagoo ku eedeeya faragelin, kala qoqobid, isku-dir iyo ragaadinba in ay ku hayso Soomaaliya iyo Soomaalida oo dhanba.

Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Cali Cosoble ayaa todobaadkii hore sheegay in Ethiopia ay hub iskugu dhiibto dadka ku dhaqan deegaanada maamulkiisa.

Sidoo kale Xildhibaano hadda jooga iyo wasiiro hore oo Soomaaliya xil uga soo qabtay ayaa sheegay in ay arkeen marar badan liis magacyo dad ah oo Ethiopia u soo gudbisay madaxweynayaasha Soomaaliya soo maray kuwaasi oo ay soo jeedinayaan in xil loo dhiibo oo ay qaarkood xilkii qabteen.

Ethiopia iyo Soomaaliya dagaalada khilaafka dhuleed iyo midka taariikheed ka sakaw waxay dagaalo toos ahi dhexmareen sannadihii 1964-kii iyo 1977-kii waxayna siyaasadda Soomaalida toos ugu lug yeesheen intii ka dambaysay Sannadkii 1988-kii oo ahayd markii dagaaladu dhexmareen jabhadii SNM iyo Dolwaddii Maxamed Siyaad Barre markaasi oo dadkii ka qaxay deegaanadii Waqooyiga Soomaaliya hadana ah Somaliland ay Ethiopia siisay deegaan iyo cunno. Inkasta oo dan badani dano siyaasadeed u arkaan. Iyo Ethiopia oo heshiisiin u qabatay Soomaalidii dhulkoodii isku soo dilay Iyo markii ay ciidamo Ethiopia ka socda gudaha u soo galeen Soomaaliya halkaasi oo ay kula dagaalameen maxaakiimtii islaamiga ahayd sidoo kalena burbur iyo dilba u gaysteen Muqdisho iyo dadkii shacabka ahaa Waxayna taasi sii xoojisay nacayb Soomaali badani u qabaan Ethiopia.

Intii ka dambaysay ku luglahaanshaha Ethiopia ee Soomaalida siyaabo kala duwan ayuu u muuqday tusaale ahaan arrimaha la soo qaadan karo waxaa ka mid ah baabuur dowladeed oo Taarikada/Numberka Ethiopia wadata oo kaliya in ay iskaga gudbaan Somaliland iyo Puntland iyo in xarumo shaqo oo gaar ah kana madax banaan dowladaha ay ku leeyihiin magaalooyin kale duwan. Iyo sidii 2015-kii ka dhacday Gabiley baabuur ay wateen saraakiil Ethiopian ah oo Puntland ka tagay ay deegaanada Somaliland ku dhexmareen Taarikada Puntland markii Gabiley lagu baarayna xilkii laga qaaday maamulkii baaray.

Warar ay baahiyeen warbaahin kala duwan ayaa iyana lagu sheegay in safar ay Ethiopia ku tageen wasiiro uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ka hor inta aan Imaraadka loo ansixin dekadda Berbera ay Ethiopia Somaliland u sheegtay inayna raali iyadu ka ahayn waana sababta heshiiska loogu daray dhismaha wadada Berbera ee ilaa Ethiopia.

Sidoo kale guddoomiyayaasha gobolada Somaliland Ethiopia shir sannadle ah ayey ugu qabataa Magaalada Jigjiga inkasta oo ay wadashaqayn ku tilmaamaan guddoomiyayaashu.

Hadaba Ethiopia oo sheegtay in ay Somaliland Iyo Soomaaliya aqoonsanyihiin hal dal ayaa waxay dhawaan safiirkeeda Soomaaliya u soo magacawday Jamaalu-diin Mustafe Cumar oo ah Soomaali ka soo jeeda dhulka Ogaadeeniya.

Waxaa la is weeydiin karaa Ethiopia maxaa dan gaar ah ee ugu jira in ay safiirkeeda Soomaaliya qof Soomaali ah u soo magacawdo ?

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Cumar Seerbiya.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.