Munaasabadan abaalmarinta ah ayaa waxaa sanadkii 3aad lagu abaal-mariyey shaqsiyaad iyo shirkado kamid ah Soomaalida si loo dhiirigeliyo samafalka iyo wanaaga. Waxaana munaasabadan soo qabanqaabisay Hay’ada magaceeda looso gaabiyo ISA abaalmarinta caalmiga ah ee soomaalida waxana lagu qabtay badhtamaha magaalada London.

Kulankan oo ay ka soo qeybgaleen shirkado, madax, aqoonyahano iyo fanaaniin ayaa xalay afar abaalmarin oo caalami ah lagu gudoonsiiyay shaqsiyaad iyo shirkado loo arkay in ay mutaysteen.

Dhinaca fanaanniinta waxaa abaalmarinta sanadkan helay Fanaanka weyn ee Axmed Naaji Sacad halka dhanka arimaha samafalka lasiiyey Mudane Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xalay 30 cisho ugu buuxsatay xabsiga dhexe ee magalada Hargeysa tan iyo markii la xidhay badhtamihii bishii tagtay ee February.

Hay’ada ISA oo gacan ka helaysay shirkado iyo shaqsiyaad soomaaliyeed oo taaba geliyey barnaamijkooda in uu qabsamo ayaa ugu mahadcelisay dadka maalgaliyey Abaalmarin nahan in ay qabsoomaan waxana sidoo kale ay sheegeen in sanadwalba ay sidan oo kale u wadi doonaan maadaama arintan ay tahay mid dhiiri galin u ah bulshada soomaliyeed dhanka waxbarashada, dhaqanka, ganacsiga iyo sportiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay