Waxaa kulan balaadhan lagu qabtay magaalada Oslo ee caasimada wadanka Norway, waxaana kasoo qayb galay madax heer caalami ah iyo ururada bulshada ee ku dhaqan wadanka Norway.

Madaxda kasoo qayb gashan kulankan ayaa waxaa kamid ahaa wakiilka Qaramada Midoobay (QM) u qaabilsan Soomaliya Michael Keating iyo mas’uul ka socda Wasaarda Arimaha Dibada ee wadanka Norway Jensen.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayay marxalada uu maanta ku sugan yahay Gees Afrika waxaana si gaar ah looga hadlayay xaalada uu ku sugan yahay wadanka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa lagu macsuumay wafti ka socda Jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee wadanka Norway oo uu hor kacayay Gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida Ogadeniya ee dalka Norway Mudane Khaliif Cabdi Cali waxaa kale oo ayaguna kasoo qayb galay ururada bulshada ee ku dhaqan wadanka Norway. Waxaa kale oo shirkan ka qayb galay hay’ado caalami ah.

Waxaa aad looga hadlay marxalada maanta ee geeska Africa, waxaa sidoo kale su’aalo la waydiiyay wakiilka QM ee Soomaliya waxaana kamid ahaa su’aalaha la waydiiyay Xuquuqda askarta Amison iyo askariga Soomaaliga ah xuquuqdiisa, waxa kala duway ee kana kor u qaaday askariga Soomaaliga ahna hoos u dhigay waxaana si waafi ah oo faahfaahsan uga hadlay Michael Keating.

Shirkan ayaa wuxuu kusoo dhamaaday jawi dagan waxaana sidoo kale la kulmay wakiilka QM iyo madaxdii kasoo qayb gashay kulamo gaar gaar ah la qaatay wafdigii ka socday jaaliyada Soomaalida Ogadeniya kaas oo uu hor kacayay Gudoomiye Khaliif waxayna kala hadleen abaaraha iyo xanuunada wakhtigan xaadirka ah kajira gudaha Ogadeniya iyo xukuumada gumaysiga oo dhibaatada shacabka Soomaalida Ogadenya qarinaysa.

ONA/Oslo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay