Xaflad Baroor-diiq ah oo ay soo qaban qaabiyeen Midawga Dhalinyarada iyo Ardayda S.ogadenia Ee  (OYSU) ayaa waxaa lagu qabtay Magaalada Oslo Ee Casimada wadanka Norway.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta ay Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ku leedahay magaalada Oslo. Xafladan Baroordiiqda ah oo ay ka soo qayb-galeen Bulshada Qaybaheeda kala duwan ayaa waxaa lagu furay Aayado Qu’aanka Kariimka ah iyo wacdi diini ah oo uu soo jeediyay Sh Cabdinaasir.

Kadib waxaa Shirka Daadihinayay Xoghayaha Midawga Dhalinyarada Iyo Ardayda Ogadenia (OYSU) Ee Faraca Dalka Norway Mudane Nuur Khaliif. Waxaa sidoo kale isaguna hadal kooban kasoo jeediyay Goobta Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida Ogadenya ee dalka Norway Mudane Khaliif Abdi Cali, waxaa kaloo isna hadal dhinacyo badan taabanayay ka jeediyay Halgame Cabdishakuur Xaaji Cali budul.

Dad kale oo ka qaybgaleyaashii kamid ah ayaa waxay ka hadleen dhibka ka jira Ogadenia iyo sida ay dawlad la’aanta uyihiin loona uus-xabaalayo dadka ay isugu darmadeen Daacuunka iyo Abaaruhu meesha dadkii kunoolaa wadamada Abaaruhu ka dhaceen ee kale lagu dhawaaqay Musiibo Qaran inay kajirto, balse dadka ku dhaqan Ogadenia waxaaba lagu qasbay inay qariyaan oo ayna sheeginba inay dadku udhintaan Abaar iyo Daacuun toona.

Waxaa ugu dambayntii lagu Soo bandhigay muuqaalo ka turjumaya Tacadiga iyo dhibaatada uu gumaysigu u gaystay Shacabka biri -magaydayga ah ee Soomaalida Ogadenya.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay