Mudane Maxamad Cabdullahi Farmaajo madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxtooyada ku qaabilay guddoomiyaha Midowga Afrika (AU) Moussa Faki Maxamad, kadib markii uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.

Mr. Faki ayaa waxaa uu tacsi u diray ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku dhintay dagaalka Soomaaliya ee ay kula jiraan maleeshiyada Al-shabaab.

 Sidoo kale guddoomiye Faki ayaa madaxweynaha Soomaaliya uga hambalyeeyay doorashadii Soomaaliya ee ku dhacday sida nabad galiyada ah ee uu isaga ku guuleystay.

Ugu dambeen guddoomiyaha Midowga Africa (AU) Moussa Faki ayaa kulan la qaatay Saraakiisha AMISOM ee jooga Soomaaliya iyo saraakiisha dhinaca amniga ee Soomaaliya oo ay ku jiraan wasiirada gaashaandhigga iyo amniga Soomaaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay