Waxaa xaflad balaadhan isugu yimid jaaliyada Oromiya ee Manchester wadanka UK, xafladan ayaa waxay ahayd mid lagu xusaayay sanad guuradii kaso wareegtay aas aaskii jabhada Oromiya ee OLF.

Xafladan ayaa waxaa lagu marti qaaday jaaliyada Ogadeniya ee Great manchester, wafti uu horkacaayay gudoomiyaha jaaliyada Ogadeniya ee manchester ayaa waxay ka qayb galeen xaflada, waxaa sido kale ay ka jeediyeen qud bado aad usoo jiitay xubnihii kasoo qayb galay xafladan.

Xafladan ayaa waxaa sidoo kale lagaga sheekeeyay taariikhdii jabhada Oromiya iyo heerarkii ay soo martay, sidoo kale xidhiidhka soo jireen ka ah ee ka dhexeeyay shacabka Ogadeniya iyo kan Oromiya.

Xafalada ayaa waxay gabagabadii kusoo dhamaatay si guul ah waxaaana Heeso wadani ah goobta ka qaaday fanaaniin reer Oromiya ah.

ONA/Manchester

        

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay