Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ayaa sheegaya in habeenimadii xalay lagu soo daadiyay ciidamo badan magaalada Addis Ababa gaar ahaan agagaarka madaxtooyada iyo garoonka wayn ee studium-ka, magaalada Addis Ababa.

Ciidanka wayaanaha ayaa waxay ka cabsi qabaan in ay dib uso laabtaan mudaaharaad yadii balaadhanaa ee gil gilay xukuumada wayaanaha, dhawaan ayay ahayd markii ay xukuumada wayaanuhu ku dhawaaq day in ay khafiifisay xukunkii dag daga ahaa ee wadanka lagu soo rogay dabayaaqadii sanadkii tagay ee 2016.

Xukuumada wayaanaha ayaa waxay malaayiin lacago ah ku bixisay sidii ay u adeegsan layahayd jawaasiis badan kuwaasi oo soo gudbiya xogta dadka shacabka ah iyo ardayda oo looga cabsi qabo in ay mudaaharaad ka bilaabaan magaalada Addis Ababa iyo guud ahaan wadanka oo dhan.

Arinta ayaa kuso beeg maysa xili ay kasii daysay xabsiga qaybo kamida mucaaradka xukuumada wayaanaha halka qaar kale oo badana ay kuhayso jeelasha waawayn ee wadanka kuwaas oo dhibaatooyin badan kuqaba xabsiyada dhexdooda.

Ciidamadan xalay lagusoo daadiyay magaalada Addis Ababa ayaa waxay waydiinayaan dadka shacabka ah aqoonsi sidoo kale waxay gudaha u galeen ciidamadu jaamacada Addis Ababa University ayagoo qaar kamid ah ardayda ay kala baxeen qolalka ay ka dagan yihiin jaamacada.

Sikastaba ha ahaatee xukuumada wayaanaha ayaa waxay cabudhin, dil iyo xadhig wayn ku haysaa dadka shacabka ah ee kasoo hor jeeda xukunkeeda si ay usii dheeraystaan xukunkooda cadaalad darada ah.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay