Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ee gacanta gumaysiga kujira ayaa sheegaya in dad badan oo shacab ah ay ciidamada wayaanuhu tacadiyo kala duwan ugaysteen.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia JWXO ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanuhu ay ugaysteen dad aan waxba galabsanin oo dulmi iyo gaf lagu sameeyay, tacadiyadan oo isugu jira dil, xidhay iyo dhac ayaa udhacay sidan.

Warkan ayaa sheegaya in markay taariikhdu ahayd 20/3/17 Salixada oo Dagmada Qabridahare ee Gobolka Qoraxay katirsan ay ciidanka wayaanuhu kudileen nin shacab ah oo lagu magacaabi jiray Allaha unaxariistee Faarax Golongol.

Waxaa kale oo warku intaas raacinayaa 22/3/17 Dagmada Salaxaad ee Gobolka Nogob ay ciidanka cadawgu kudileen labo qof oo shacab ah oo lagu kala magacaabi jiray Xamdi Taajir Xuseen iyo Xassan Macalim Cabdi.

Dhinaca kale markay taariikhdu ku beegnayd 19/3/17 deegaanka Baka oo Dagmada Dhagaxbuur ee Gobolka Jarar katirsan waxay ciidanka wayaanuhu xidhay iyo dhac isugu dareen 13 qof oo shacab ah waxaana magacyadooda helay
1 cudbi maxamuud oo laga dhacay 60,000 oo birr
2 axmad daahir oo laga dhacay 50,000 oo birr
3 ilma aadan yare sh yuusuf oo laga dhacay 4000 oo birr.

Sidoo kale 19/3/17 Dagmada Dhagaxbuur waxaa lagu xidh xidhay dadka kala ah
1 haadi carab guuleed
2 dayib ismaaciil owlaad
3 khadar shamsidiin.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay