Madaxweynihii hore ee dalka Masar Xusni Mubaarak ayaa xabsiga laga sii daayay, kaddib markii lagu waayay dacwadihii lagu soo oogay.

Go’aanka sii deyntiisa ayaa yimid kadib markii maxkamad ay ku weyday dacwado ku saabsanaa dilka tobanaan dibad baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011. Mubarak oo 88 sano jir ah ayaa lagu waayay dambigii ugu dambeeyay ee lagu soo oogay oo ahaa dil kadib markii hore loogu waayay dambiyo ah musuqmaasuq iyo xasuuq loo geysgey dad banaanbaxayay.

Qareenka Mubarak Farid El-Deeb ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in uu haatan ku sugan yahay Mubarak guriga uu ku leeyahay Heliopolis oo ah degmo ku taala meel aan ka fogeyn madaxtooyadii uu muddo soddon sano ah ka maamulayay dalka Masar kadib markii laga saaray isbitaal ay ciidamada Milatarigu ku leeyihiin koofurta Qaahira halkaa oo lagu ilaalinayay.

 Ugu danbeyntii, Mubarak ayaa sanadkii 2012-kii waxaa lagu xukumay xabsi daa’in kadib markii lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dil loo geystey dad tiradooda lagu sheegay 239 ruux oo kamid ah banaanbaxayaal kasoo horjeeday dowladiisa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay