Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in xukuumada wayaanuhu ay shaqada ka caydhisay duuliyayaal diyaaradeed oo tiro dooda naloogu sheegay 45 duuliye oo kala duwan kuwaasi oo ahaa dulliyayaal diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa rakaabka qaada ah.

Xukuumada wayaanaha ayaa waxaa soo wajahay khal khalkii ugu waynaa waxayna kala caydhinaysaa dhamaanba shaqaalihii ayaga u shaqayn jiray kuwaas oo kakala shaqeeya xafiisyo kala duwan.

Jahwareerka siyaasadeed ee soo wajahay kooxda TPLF ayaa wuxuu dhaxal siiyay in ay shaqada ka caydhiso qaar badan oo kamid ah ciidamada qalabka sida ee xukuumada wayaanaha, duplamasiyiin, safiiro iyo duuliyayaal ciidan, waxaa kale oo qaar badan ay taxaabtay xabsiga halka kuwa badana ay dishay.

Waxaa sidoo kale horay u baxsaday duuliyayaal badan kuwaasi oo magan galyo waydiistay dalalka reer galbeedka waxayna ka warameen marxalada dhabta ah e ka jirta gudaha ciidamada Itoobiya kala duwanaan shaha ciidanka dhexdiisa iyo sida TPLF ugu awod sheegato qomiyadaha kala duwan ee ku hoos jira xukun kooda macangaga ah.

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa in waagu uu kubaryay kooxaha dhiiga shacabka ku naaxay ee TPLF.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay