Ra’isal-wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa qaabilay wafdi sare oo ka ka socday  Ururka Midowga Afrika  (AU) oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Waftiga oo uu hoggaaminayo madaxa Ammaanka AU Danjire Ndumiso Ntshinga oo booqasho Saddex Cisho ah ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Wafdiga  iyo madaxda sare ee dowladda federaalka  ayaa ka wada hadlay sidii loo horumarin lahaa howlaha ay Ciidamada Amisom ka hayaan koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya, sidoo kalena loo xoojin lahaa ciidamadda Soomaaliya si mustaqbalka dhaw u hantaan amniga dalkooda.

Danjire Ndumiso iyo wafdigiisa ayaa waxay kormeer ku tageen xeryaha Ciidanka midowga Afrika, iyagoo aad  ugu kuur galay heerka uu gaadhsiisan yahay wada shaqaynta ka dhaxaysa iyaga iyo Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed oo dagaal wada jir ah kula jira Ururka Al-Shabaab.

Gabagabdii, Ciidamadda midowga Afrika ee Amisom ayaa muddo 10 sanno ah waxay ka howlgalayaan Soomaaliya, iyadoo sidoo kalana ay ku soo biiraan ciidamadda wadamada safka hore ee Kenya, Ethiopia iyo Djbouti, waxaan dhawaan la kordhiyay  muddo kale waqtiga ay sii joogayaan Soomaaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay