Afhayeenka Golaha Shacabka Soomaaliya Pro Maxamed Sh Cismaan Jawaari ayaa gaadhsiiyey raysalwasaaraaha Xukuumadda Federaaliga ah ee Somalia Xasan Cali Kheyre dhaliil iyo saluug ka yimid Xildhibaano ka badan 100 kuwaas oo ku dhaliilay in golaha wasiirada ee uu dhawaan magacaabay Xasan Cali Kheyre aysan waafaqsaneyn qaabka habqeybsiga ee horey loogu dhaqmi jiray.

 Ra’iisul-Wasaaraha ayaa laga dalbadey in uu saxo khaladka ka hor inta aanu wakhtigu ka dhamaan si looga baaqsado khilaaf iyo dib u dhac ku yimaada ansixinta Xildhibaanada.

Afhayeenka baarlamaanka Maxamed sheekh cismaan Jawaari ayaa Ra’iisul-Wasaaraha ka dalbadey in uu golaha wasiirada baarlamaanka ku hor keeno ugu danbeyn 31 Maarso oo ay ka hadhsan tahay wax ka yar 6 maalmood oo kaliya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay