Dawlada maraykanka oo kamid ah dawladaha deeqda ugu badan siiya Gumaysiga Itoobiya ayaa waxay sheegtay in ay ka fiirsan doonto deeqda ay siiyaan xukuumada Wayaanaha oo lagu eedeeyay in ay shacabka ay gumaysato ku hayso xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Xukuumada wayaanaha ayaa waxay xabsiyada ku haysaa kumanaan kamid ah shacabka ay gumaysato sidoo kale waxaa la xasuuqay oo la dilay qaar badan oo kamid ah bulshada rayadka ah.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu u adeegsadaa deeqda lasiiyo siyaabo khaldan asagoo u adeegsaday in uu ku xasuuqo shucuubta ku hoos dulman xukunkiisa macangaga ah.

Tan iyo intii xukuuamada wayaanaha ay soo rogtay xukunka dag dagga ah waxaa sare u kacay gabood fallada kala duwan, xadhiga iyo kufsiga lagu hayo shacabka ku hoos jira xukuumada wayaanaha.

Hay’ada Human Right Watch (HRW) ayaa waxay sheegtay horaantii sanadkan in kumaanaan shacab ah ku jiraan xabsiyada Gumaysiga Itoobiya sidoo kale waxay sheegtay in qaar badan oo kamid ah madaxda mucaaradka Itoobiya ay xabsiyada ka buuxaan halka qaar badana ay xukuumada wayaanuhu dishay.

Si kastaba ahaatee xukumada wayaanaha ayaa waxaa mugdi siigalaya xidhiidhka ay lalee dahay dalalka caalamka waxaana maalinba maalinta ka danbaysa ay luminaysaa xidhiidhka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dalalka caalamka gaar ahaan kuwa deeqda bixiya ee ree Galbeedka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay