Taliska gumaysiga Itoobiya ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay wuxuu kumashquulsanaa sidii uu colaad uga dhex abuuri lahaa shucuubta dariska ah ee uu gumaysto, wayaanaha ayaa wuxuu iska horkeenay shacabka Oromiya iyo kan Canfarta waxaana dagaalo ay dhex mareen labada shacab ee dariska ah.

Horay wuxuu gumaysigu colaad uga dhex abuuray qoomiyadaha Soomaalida iyo Oromada dagaaladaas oo ay ku dhinteen kumanaan qof oo shacab ah halka tiro badana ay kasoo qaxeen deegaanadoodii kuwaaasi oo guryahoodiina dab la qabad siiyay.

Xukuumada wayaanaha ee wakhtigeedu sii dhamaanayo ayaa waxay wali ku jirtaa sidii ay u kala fogayn lahayd shucuubta kala duwan eedariska ah, waxaana maalintii shalay ahayd uu dagaal lagu hoobtay ka dhacay meel wax yar u jirta Dagmada Baate waxaana lagu dilay dad shacab ah oo labada dhinacba ah.

Qoomiyada Oromada oo ah qoomiyada ugu badan guud ahaan waxa Itoobiya loogu yeedho ayaa wuxuu gumaysigu rabaa in uu ku mashquuliyo dagaalo si uu uga jeediyo kacdoonada ay wadaan ee ay kala soo horjeedaan xukuumada wayaanaha ee wakhtigoodu dhamaaday.

Gumaysiga Itoobiya ayaa wuxuu isticmaalayaa kaarashii ugu dambeeyay oo ah inuu shucuubta dulman is ku diro si uu dhexdooda uga faa’iidaysto una helo wakhti kale oo uu kusii haysto kursiga.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay