Ciidanka Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in uu furay baadhitaan balaadhan oo ku saabsan dad rayid ah oo ku dhintay 17-kii bishan Maarso weerar ay diyaaradaha Is-bahaysiga Maraykanka horkacayaan oo ay duqeeyeen deegaan ku yaala galbeedka magaalada Muusil oo dad badan oo shacab ah lagu dilay.

Masuuliin ka tirsan Xukuumada Ciraaq ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay duqeyntaasi ay dishay shacab  badan oo ku sugnaa dhinaca Galbeed ee magaalada Muusil oo dagaal xoogan uu ka socday bilihii lasoo dhaafay. Shacabka Muusil ee deganaa waxay tirada ku sheegayaan ilaa 200 oo qof in ay ku dhinteen duqayntan.

Duqeynta ayaa ahayd mid aan marnaba joogsan iyada oo Milateriga Ciraaq u dagaalamayaan siddii ay dib ugu qabsan lahaayeen Galbeedka magaalada Muusil oo ay iminka gacanta ku hayaan maleeshiyada kooxda isku magacwday dowladda islaamka ee Daacish.

Ciidanka ayaa waxaa taageerayey diyaaradaha dagaalka ee isbaheysiga uu Maraykanku hor muudka u yahay. Dadka daggan ayaa sheegay in maleeshiyadu ay ku dhex milmeen dadka rayidka ah oo ay doonayaan in ay gaashaan ka dhigtaan.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay