Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee wadanka Canada Gaar  Gobalka Alberta Casimadiisa Edmonton ayaa waxaa maanta lagu qabtay shir waynihii jaaliyada Ogadenia  ee ka howlgasha Alberta,Shirkan oo ahaa mid aad loo soo agaasimay   ayaa waxaa ka soo qeybgalay xubnaha intooda  badan, ujeedkiisuu ahaa   shir doorasho  maamul cusub.

waxaa  shirka furay Gudoomiyihii Xilkii suu dhamaaday Halgame  Abdinaasir Caydiid (Galaal) wuxuuna halkaasi ku soo bandhigay warbixxin aad u xiisa badan oo ku saab saneyd  waxqabadkii maamulkiisa intii uu xilka hayay,isagoo ku dheeraaday  wixii u qab soomay  Qorshihii jaaliyada  sanadlaha , sida dhaqaalaha , Abaabulka  iyo Siyaasada, waxaana  Qiimeyn  lagu sameeyay  lagu dhawaaqay inuu maamulka maanta xilkiisuu dhamaaday ku guuleystay Qorsha sanadeedkii 97%,halkaasi Aamaan iyo mahadnaq balaadhan loogu jeediyay dhamaan maamulkii xilkii suu dhamaaday.

Waxaa kale oo shirka fadhiyay laba xubnood oo kamid ah Golaha dhexe ee Jabhada wadaniga Xoreynta Ogadenia, ku waasi oo kal ahaa  Halgame Maxamed Macalin iyo N/hure Abdixakiim wali  waxayna Xubnaha lawadaageen warbixin kooban oo ku saabsan Xaalada Halganka Ogadenia iyo Shirkii Galaha dhexe ee shalay  la soo gaba gabeeyay.

intaasi kadib waxaa laguda galay Doorashada maamulka Cusub oo u dhacday gacantaa  ugu danbeystaa  waxaa halkaasi ku guuleystay inuu noqdo Gudoomiyaha Jaaliyada Ogadenia ee Gobalka Alberta Halgame Faarax Mursal  iyo Shan xubnood oo la shaqeyndoonta.

Hoos ka daawo Sawira Qaar kamid ah ka soo Qeybgalayaashii Shirka Edmonton.

 

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay