Wararka ka imaanaya Koonfurta Kuuriya ayaa sheegaya in Xeer illaalinta dalka amar ku bixisay in lasoo xidho haweenayda Madaxweynihii hore ahayd ee Park Geun-hye oo bishan xilka laga xayuubiyey.

Mrs.Park ayaa horaantii bishan waxaa xilka ka xayuubiyey Maxkamada sare kadib markii Baarlamaanku ansixiyey maxkamadeynteeda, waxaana loo heystaa arrimo la xidhiidha musuq maasuq iyo ku takri-fal awoodeeda.

 Park Geun-hye ayaa lagu eedeeyey inay shirkado ay xidhiidh laleedahay sida shirkada Samsung ay u sameysay canshuur dhaaf iyo mashaariic si musuq maasuq ah loo siiyey ganacsato ay xidhiidh dhaw la leedahay.

Kadib go’aankii maxkamada sare xilka uga xayuubisay Mrs.Park ayaa waxaa halkaasi ku dhumay xasaanadii ay lahayd intii ay heysay xilka Madaxweynaha. Waxaana todobaadkii tagay su’aalo weydiiyey xeer illaalinta.

Xeer illaalinta ayaa codsi u gudbisay Maxkamada dalkaasi ay ku codsaneyso in la fuliyo amarka soo xidhitaanka haweenaydan, iyadoo xeer illaalinta ku dooday inay ka cabsi qabto Mrs.Park inay burburiso xogta iyo cadeynmaha dacwadaha loo heysto, kahor intaan lasoo gaba gabaynin baadhitaanka ku aadan danbiyada musuq maasuqa oo ay ku muteysan karto 10 sano oo xadhig ah haday ku cadaato oo danbigaas lagu helo.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay