Madaxweynaha Soomaaliya Maxamaed C/laahi Faramaajo ayaa  markale ugu Baaqay xildhibaanada golaha shacabka in ay ansixiyaan Gollaha wasiiradda cusub ee uu  soo dhisay R/wasaare Xasan Cali Kheyre, maadaama dalku haatan uu ku jiro xaalad adag loona baahanyahay waxqabad iyo isbadal deg deg ah.

Waraysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Sonna kadib Markii uu dib ugu soo laabtay Muqdisho, ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ka mid yihiin safarkiisii Kenya, shirkii IGAD, balamihii uu qaaday xiligii uu murashax ahaa, la dagaalanka musuq maasuqa, Abaaraha iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Mr. Farmaajo wuxuu sheegay inaysan macquul ahayn in uu iska sii socdo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab oo loo baahanyahay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo afjaro oo laga guuleysto maleeshiyada Al-Shabaab.

Dhanka kale, Madaxwayne Farmaajo wuxuu sheegay muhiimadaha ugu horeeya dowladda inay tahay la dagaalan ka Musuq-maasuqa iyo Hufnaanta maamulka, isagoo tilmaamay in Musuqu uu yahay Kansar dilaa ah oo dowladaha baabi’iya. Mudane Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaal badan loo galayo in Soomaaliya ay safka hore ka gasho dowladaha ku caan baxaya la dagaalka Musuqa iyo hufnaanta maamulka iyo dowlad wanaaga.

Gabagabadii, Madaxweyne Farmaajo wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay aaminaan dowladooda, si  dalku uu la tartamo dunida kale ee hormartay ee waxqabsiga ku caan baxday.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay