Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in mid kamid ah fashilkii uguwaynaa uu kuyimid kooxda EPRDF/TPLF ee talada wadanka sida xooga iyo xaq darada ah kuhaysata.

Sida warku sheegayo waxaa gabi ahaanba burburay qorshe lagu doonayay in lagu qabto shirwaynihii xisbi kusheega magac uyaalka ah ee EPRDF, qorshahan oo mudo soosocday ayaa lagu doonayay in uu kuqabsoomo shirwaynihii 11aad ee EPRDF.

Sida kucad xeer kusheega kooxda shirwaynaha ayaa qabsooma labadii sanaba mar waxayna kooxdu ku malmaluuqdaa nidaamkii ay talada wadanka kusii hayn lahaayeen iyo sidii loo gumaadi lahaa cid kasta oo isku dayda in ay dhaliisho xukunka madhalayska ah ee kooxda EPRDF ay mudada rubuc qarniga ah sida xooga ah ugu haysato.

Kooxda TPLF oo ah kooxda kaliya ee talada marooqsatay ayaa ku andacoonaysa in ay shirka uqaban waayeen hagardaamooyin kaga imaanaya dhinaca qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada oo bahwadaag kula ah xisbi kusheega EPRDF, sidoo kale kooxda TPLF ayaa ku andacoonaysa in wadanku uu kujiro dagaalo isla markaana ay jiraan kacdoono taas oo ay sheegeen in aysan macquul kadhigaynin in ay ufadhiistaan shirwayne.

Dhinaca kale kooxaha magac uyaalka ah ee kasoo jeeda qoomiyadaha Oromada iyo Axmaarada ee sheegta in ay ku abtirsadaan EPRDF ayaa sheegay in taladii xisbiga iyo wadankaba ay midigta iyo bidixdaba kuhayaan kooxda TPLF oo aan cidna waxba u ogolayn.

Sikastaba ha ahaatee kooxda TPLF ee matasha qoomiyada tirada yar ee Tigreega ayaa hada umuuqata mid aan qarsanaynin dhibaatooyinka naafeeyay awoodooda waxaana iska cad tabar la’aanta kooxda oo shirkoodii qabsan la.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay