Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa soo tabinaya qalalaase hor leh oo kataagan qaybo kamid ah dhulka Axmaarada ee mudooyinkii dambe rabshaduhu kasocdeen.

Warkan oo aan kahelay ilo wareedyo kusugan Gobolka Axmaarada ayaa sheegaya in kacdoon wadayaal udhashay qoomiyada Xabashidu ay dab qabadsiiyeen xarun lagu iibiyo cudbiga oo ay wayaanuhu lahaayeen, sida xogtu ay muujinayso dadwaynaha cadhaysan ayaa gubay in kabadan 440 kiintaal oo cudbi ah kaas oo wayaanuhu ay doonayeen in ay udhoofiyaan dibada wadanka.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay fooda isdareen ilaaladii beerta cudbiga ah iyo dadwaynihii kacdoon wadayaasha ahaa waxaana lasheegayaa in ay jiraa dhaawacyo farabadan oo labada dhinacba soo gaadhay kuwaas oo hada kujira Isbitaalada Gobolkaas halka dhaawacyada fudfududna ay guryahooda joogaan.

Dadwaynaha Axmaarada ayaa ku andacoonaya in dhulkoodii laga dhigay wax shirkado shisheeye lasiiyay iyo wax xukuumada wayaanuhu ay abuurato halka dadkii deegaankuna ay waayeen meel ay kabeertaan beero ay noloshooda kumaareeyaan.

Xukuumada uu khalkhalku soo foodsaaray ee wayaanaha ayaa sanadihii udambeeyay caadaysatay boobka hantida umada waxayna xukuumada iibsatay dhul aad ubadan oo kuyaala dhulka ay gumaystaan dhulkaas ayaa lasheegayaa in shirkado shisheeye lacag badan lagaga badashay.

Sidoo kale kooxda ayaa simuuqata lacago kaash ah udhigtay bangiyada aduunka si ay ugu baxsadaan xiliga burburka bilowday kadib, arintan ayaa lagu macneeyay in ay soo dadajiyeen abaaraha kataagan guud ahaan dhulka ay wayaanuhu gumaystaan gaar ahaan Ogadenia iyo Gobolka Canfarta.

Dadka siyaasada Itoobiya dhaliila ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu kumashquulsan yahay beeritaanka cudbi iyo shaah si ay hanti uga dhiliyaan iyadoo loobaahnaa in labeero cunto si looga badbaado abaaro aan dad iyo duunyo toona reebin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay