Wakaaladda wararka u faafisa Kooxda Daacish ee Amaq ayaa sheegtay  in weerar ay daacish ka fuliyeen magaaladda muqdisho ay ku dileen Sarkaal sare oo katirsan Hay’adda Nabad Sugida Soomaaliya ee  loosoo gaabiyo (NISA).  dilkaasi oo ka dhacay Xaafadda Yaaqshid ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Wakaaladda Amaq ee Daacish ayaan faahfaahin dheeraad ah ka bixin magaca iyo derejada sarkaalkan ay ku dileen muqdisho iyo qaabka ay u fuliyeen weerarka, hase yeeshee warar madax banaan ayaa sheegaya in xalay degmada yaaqshid uu ka dhacay qarax ka dashay bamb gacmee la soo tuuray..

 Dhinac kale, Afhayeenka  gobolka banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa Beeniyay sheegashada Daacish ee dilka sarkaalka NISA, wuxuuna intaa ku daray in qarax uu ka dhacay muqdisho, hase yeeshee aysan jirin cid wax ku noqontay.

Gabagabadii, Kooxda Daacish oo ka dagaalanta wadamada Suuriya iyo Ciraaq ayaa howlgalkii u horreeyay ee Soomaaliya waxay ku qabsadeen degmadda Qandala ee gobolka bari ee Soomaali.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay