War hadda naga soo gaadhay magaalo madaxda gobolka Axmaarada ee Bahir-Dar ayaa sheegaya in xalay ay xabadu isdaba maraysay oo aan laga seexanin magaaladaas.

Warku waxa u intaas ku daray in xalay oo dhan ay Ambulansiyada & gawaadhida dab-damiska ahi ay is daba marayeen oo  magaaladaas qalaalase xoogani u ka jiray .

Sida aynu la wada socono kacdoonka shacabka ee Itoobiya ka bilaabmay mudo sanad iyo badh ka hor ayaa waxa u soo maray xaalado kala duwan oo hadba waji cusub galayay.

Ka dib markii ay xukuumada ay TPLF  ka taliso xukunka dag dag ah ku soo rogtay ayaa kacdoon wadayaashuna qaabkii ay xukuumada Woyanahya ula dagaalamayeen ayay  badaleen.

Wali lama ogga khasaaraha ka dhshay inta u la egyahay xalay rasaastaas xoogan ee ka dhacay magaalada Bahir Dar.

Kala soco ONA wararka ka soo kordha warkan & kuwo kalaba

 

Dhttps://www.facebook.com/alemu.desta2/videos/1769412070038499/

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay